21-JANAAYO 2008 MAALINTA BAROOR-DIIQDDA SAXAAFADA IYO WARBAAHINTA SOMAALIYEED.

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-22/01/2008
Ra'yi
 Januar22/208
 
31-Janaayo Maalinta Saxaafadda Somaaliya oo eey ku
Haboon tahay in xus iyo dabaal deg Rasmo ah loo sameeyo
ayaa Sanadkan 2008-ka ku soo aadeey waqti Tacadiyo badan
Fal Cabudhin iyo Xakamiin joogto ah lagu hayo guud ahaanba
Saxaafadda iyo Warbaahinta Somaaliyeed, Xubno badan oo ka
Tirsan Saxaafadda iyo Weriyaasha Somaaliyeed dhex jiifaan
Jeelasha Gumeeysiga Itoobiya iyo Rajiimka Maqaar saarka ah
Kuwo Kalle ku dhiban Yihiin Maamulada Dalka ka jirra.
 
    Waxaa ayaan daradeeda leh Heerka Tacadiyada iyo Dagaalka
qaawan oo lagula jiro Xoriyadda Saxaafadda,Xuquuqada Codka
iyo Xurmadda Qalinka iyo guud ahaanba Cabiridda Aragtidda iyo
Madax banaanida Warbaahinta,Dalka Somaaliya ayaa ah goobta
Xasuuqa Saxaafadda.Hooyga Kafanka Weriyaasha iyo Qabrigga
Xoriyadda Basharka, Hogaanka Maamulka Taladda Shisheeye ku
Shaqeeya ayaa ah Cadoowga Koowaad ee Saxaafada,Waayo:-
Waxaa dhibeeysa Maqalka Runta iyo Xaqiiqadda Dhulka ka jirra
Iyo soo bandhigida Xasuuqyada,Gumaadka,Bara-kicinta Dadka,
Fara-xumeeynta Haweenka Somaaliyeed,Boodka iyo Burburiinta
Handidda Dadweynaha iyo Xoriyad ka qaadia Muwaadinka.
 
 
   Hadaba 21 Janaayo 2008 waa maalinta Baroor-diiqidda iyo
u Tacsiyiinta Saxaafada iyo Warbaahinta Somaaliyeed Weeraar
Qaawan oo Naxariis daro ah lagu hayo,iyadoo la wada ogyahay
Weriyaashii iyo Suxufiiyiinta la Dilay Sanadkii 2007-ka,inta la
Dhigay Jeelasha Xukun la'aan iyo Tiradda badan oo Xiligan ku
Sugan ama Dhex jiifa Goobaha Cadibada Dadka iyo kuwo badan
oo aan la garaneeyn meel lagu sheegoba(Nolool iyo Dhimasho).
 
 
    Hadab Anigoo ka mid ah Bahda Saxaafadda,Warbaahiinta iyo
Qorayaasha Somaliyeed si weyna uga tiiraanyeeysan Falalka iyo
Tacadiyada Xad-dhaafka,Xakamiinta iyo cabudhiinta Qalinka iyo
Maqalka Codka runta,soo bandhigaaya Xaqiiqada dhabta ah oo
ka Jirta Dalkeena Hooyo(Somaaliyeed),Hab Dhaqameedka Gefka
iyo Fool xumada weyn leh,Dulmigga ku saleeysan oo Rajiimka
Gumeeysiga u Shaqeeysa ku hayo guud ahaanba Shacbka, gaar
ahaan Bahda Saxaafadda iyo Warbaahinta Somaliyeed ,Waxaan
Bulshoweynta ku boorinaayaa taageerida iyo la duubnida Codka
Xaqa u taagan,Illaaliyaasha Xuquuqdda iyo Xoriyadda Dadka,
Ma Seexdayaasha Heeganka Shacbaka Iyo Aduunkaba sida ku
Haboon ugu soo bandhiga Waaqica Dhulkeena ka Jira,Beesha
Caalamka gaar ahaan Ururka Saxaafadda iyo Warbaahinta waa
in eey Isha ku hayaan kana Gilgishaan dhibaatada Joogtada ah
oo eey La Kulmaayaan Suxufiinta,Weriyaasha iyo Shaqaalaha ku
Howlan Howlaha Warbaahineed ku Sugan Gudaha Somaaliya,
Waxaa amaan mudan inta Geesinimada muujisay,Xaqiiqadda
sida joogta ah u soo bandhiga,waxaana ceeb iyo dhaliilo mudan
kuwa dhuuni-raacyadda ah,Dalkooda iyo Dadkoodaba ka eexday
Hadii eey Idaacada,Saxaafad iyo TV-yo ama Maamulba.
 
 
    Waxaan si weyn u Cambaareeynaayaa Xirigga Weriyaasha
Xiligan ku Jirra Jeelasha, Weliba Qaarkood Waqtio dheer ku
Jiraan Goobahaas Ciqaabta iyo Cadibaada Muwaadinka,ilaa
Hadana aan weli la hor-keenin Maxkamad,Waxaan ku baaqaa
In si deg-deg ah Shuruud la'aanta ah loogu soo celiyo Xoriyada
iyo Madax banaanidooda Weriyaasha Idaacada Somaliweyn iyo
Maamulaha Idaacadda Quraanka Kariimka iyo Guud ahaanba
Weriyaasha iyo Suxufiinta ku jira Jeelashada Dalka Somaaliya.
 
 
 
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK- 22/01/2008-

_________________________________________________________