Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabada,Midnimada iyo Cadaalada
Illaaliyaha
Xuquuqada,Xoriyada,xurmadda Muwaadinka wuxuu
Halkan ku soo gudbinaayaa
Cambaareeyn iyo dahliilo culeeys
weyn kuna saabsan Tacadiyada
joogtada ah iyo Xoriyad ka
qaadka Shakhsiyaadka magaca iyo
maqaamka sare ku leh Dadka
Dhexdiisa iyo Wakiiladda Hey'adaha
Gargaarka iyo Dilalka
Qorsheeysan.
-Dhaq-dhaqaaqu Somaaliyeed
wuxuu halkan ku Cadeeynaayaa
Xariga xaq darada ah oo loo
geeysteeyn Abwaanka Weyn,Codka
Ummadda,Difaacada Xuquuqadda
Dulmanayaasha:-Abwaan-ABSHIR
BACADLLE wuu yahay hanaan khaldan,
Cabdudhinta Qowlka iyo
Xoriyadda Ray'yigga, waana Talaabo
lidku ah Nidaamka iyo
Qodobadda Axdi Qarameedka
Rajiimka,lama aqbali karaayo ama
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed ma
qaadan karaayo ficilkaas lidka
ku ah Cabiraada Hadalka,Soo
Bandhigida Sugaanta Wadaniga ah
kuna baaraarujineeysa Ummada
Midnimada iyo diidida Heeryada
Gumeeysiga.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu u
aqoonsan yahay Abwaan-
ABSHIR BACADLLE Tiirka mid ah
Xidigga Sugaan-yaqaanadda ku
Sugan Xiligan Dalka Hooyo,
muujiyeey Geesinimo iyo Dareen
Wadaniyadeed sida ku haboona ugu
turjumeeyeey dhibaatadda
dadweynaha lagu hayo,wuxuuna mudan
yahay Abaal-marin Heer
Qaran ah.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu ku
baaqaayaa in si deg-deg ah Shuruud la'aanta loogu soo celiyo
Abwaanka Qaranka
Xoriyadiisa iyo Xurmadiisa
Muwaadin-nimo, lagana waantoobo
Xadgudubyadda lagu
hayo:-Culimaa'udiinka,Aqoonyahanka,Bahda
Sugaanta,Saxaafadda iyo
Warbaahinta oo ah Caqliga,Damiirka
iyo Indhaha
Dadweynaha,Dhaq-dhaqaaqu wuxuu Masuuliyadda
Xarigaas Dusha uga tuuraayaa
Maamulka Gobolka Banaadir oo
ah kuwa u taagan Dhibaatadda
Muwaadiniinta Somaaliyeed.
-Dhaq-dhaqaaqu wuxuu kalle oo
halkan Dhaliil uga soo
Jeedinaayaa
Gudiyadda,Abwaanadda,Fanaaniinta iyo guud ahaan
Bahdda Fanka Iyo Sugaanta
Somaaliyeed meel eey joogaanba oo
aanu oran kareeyno waxeey ka
gaabiyeen Masuuliyada Qaran oo
ka Saaran Difaacidda Xuquuqdda iyo
Xurmadda Abwaanka Weyn.
Sidoo kalle Dhaq-dhaqaaqu wuxuu
Cambaareeynaayaa Dilka Xaq darada ahaa oo loo geeysay
El-Marxuum:-BASHIR NUUR
GEEDI ku Simihii Maamulka
Idaacadda Shabeelle waana fal
Dembiyadeed fool kana mid ah
Dilalka Qorsheeysan laguna
Khaarijinaayo Shakhsiyaadka Qiimo
u leh Dalkooda,waana mid
Gumeeysigu ka dameeyo.kuna
ugaarsanaayo Caqliga Nool iyo
Damiirka qiiradda Wadaniyadeed
leh, Aqoonta iyo khubarada
Waayo aragnimada leh.
Dhaq-dhaqaaqu wuxuu ku
baaqaayaa in si Deg-deg ah Jeelka
Looga Soo daayo Wakiilka Heyadaha
Caalamiga(WFP)oo Rajiimku
ku hayeen Jeelka Magaalada
Muqdisho, Waxaanu u aragaa arrin
Ayaan daradeeda leh in
Muwaadinkaas Somaliyeed lagu heeysto
Gudashada Masuuliyadaiisa iyo u
gargaarida Dadka Barakacsan
kuna sugan Duleedka
Caasimadda,waana talaabo ka turjumeeysa
Qaabka Shaqo iyo hab dhaqameedka
Rajiimka Dalka ka jirra.
Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa
Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-England-UK- 22/10/2007.
Xafiiska wararka caalamka iyo
soomaliya Calayaale Media Center
calayaal@yahoo.de
Webmaster@calayaale.com
kalasoo xiriir.