FADLAN CAAWIYA GABADHA DHIBAN-SOKOREEY MAXAMED.

By:

            Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                    Huddersfield-England-22/11/2007
Ra'yi
 November21/2007
 
Naxariista waa Hibo Allah ku abuuray Ummadiisa,waana lagu
kala fiican yahay,looguna kala heelan yahay,Sadaqada waa
Sheeyga Abaalkiisu xaga Raxmaanka ku weyn yahay ahamiyad
gaar ah leh,Hadaba Anigoo ah Mudane-Xassan Carab Qoraagii
Shebekadaha Somaaliyeed Internet Qaarkood u doortay 2006-ka
Si joogto ahna Qalinkeeyga ugu Adeega Ummadda Somaaliyeed
Anigoo u arka in eey tahay Masuuliyad Diineed,Qarameed iyo
Mid Akhlaaqeedba,Waxaan Halkan ku soo gudbinaayaa Arrin ku
Saleeysan Dhanka Bani-aadaminimada ku Saabsan Muwaadinad
Somaaliyeed, Marwo Dhalinyaro ah oo Da'deedu tahay 20-Sano,
Swirkeeduna halkan hoos ka muuqdo.
1aa200711203.JPG
 
 
       Sokoreey Maxamed waxeey ka mid tahay Dadka bara-kacsan
oo ku sugan Ceelasha Biyo inta u dhexeeysa Muqdisho/Afgooye
Dhibaato Caafimaad daro,Xanuun Culeeyskiisa leh,Xaalad Dayac
iyo Daryeel la'aan ah Iyo Mooral Jab weyn oo xaalad Nafsi ah ku
Keenay Gabadhaas Da'da yar,Hooyadaas weeyday Ilmaheedii
Cudarka aha,ku soo dhibaatoowday Dhalmadiisii,Dhaawac weyn
ka gaaray Xubinta muhiimka ah ee Ilmo Galeenka,Sida Muuqata
Ninkeediina ka haajiray Duruufadeeda Caafimaad awgeed,mana
Jiraan Daryeel Caafimaad iyo Awood Dhaqaale oo eey Isbitaal
ku Raadsan karto Gabadhaaso,Si toos ah ayaan uga damqaday
Dhibkeeda iyo Xaalada eey xiligan ku sugan tahay.
 
 
     Waxaan Halkan ugu soo jeedinaayaa Jaaliyada Somaaliyeed
Qurba jooga ah,Intooda Naxariista iyo Damiirka nool leh,Niyada
Caafimaadka qabta leh dareemaayaa Dhibaatadda Caafimaad,
Naxuunka iyo Dayac weyn oo heeysta Gabadhaas Somaaliyeed
Walaasheen ah ama Ubadkeena oo kalle ahba, in la Caawiyo,
loo gargaaro,gurmad deg deg ahna loo fidiyo-Sokorey Maxamed,
Waxaa mudnaan leh in la ogaado Masuuliyada inaga saaran
Walaalaheena tabaaleeysan,kuna Dadaalo caawintooda iydoo
laga duulaayo Awoodeena iyo heerkeena wax qabad,Fadlan Bal
eeg Xaaladda Sokoreey- www.hiiraan.com.
 
 
  Fadlan Il-Naxariiseed,Maqaamka Diineed,Dareenka Somaliyeed
Iyo Dhaqan Suuban ee Bani-aadaminimoba ku caawiye Gabadha
Xaaladaas dhiban ku sugan-Sokoreey Maxamed Muwaadinadaas
Xanuunka weyn hayo,Moraal jabka weyn ku sugan,baahida weyn
u Qabta Taakuleeynteena iyo gargaarkeena-Allah ayaa gar-gaar
leh,Allah ayaa Naxariis leh,Fadlan Il-Naxariiseed ku eega:-
SOKOREEY MAXAMED,Waxaan ku rajoweynahay in Codsigaasu
Hali doono aqbilaad iyo Soo dhowaanba.
 
 
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK 22/11/2007-
-sharifhassan50@yahoo.com-

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir

webmaster@calayaale.com