Cambaareeynta Kulan Ceebeedka.

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-23/04/2007
Ra'yi
 April 23/ 2007
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada iyo Cadaaladda
waxeey halkan ku qeexeeysaa si cadna ugu Cambaareeyneeysaa shirka
ama kulanka shirqoolka ah, xaaranta ah oo qeyb yar ama kooban oo
ka mid Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Denmarka ku nool la yeeshan
Safirka Nidaamka Gumeeysiga Itoobiya ku Fadhiya Skandinavia.
 
 
              Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey ku tilmaamaayaan kulankaas
iyo kuwa la mid ahba mid ayaan daro iyo sumcad xumo weyn ku ah ama
Dhaawacaaya Karaamadda iyo Maqaamka Dadka Somaaliyeed in eey hor
Fadhiistaan Wakiilka Zanaawi oo Xasuuqaaya, Bara-kicinaaya Dadka
Somaaliyeed, Fara-xumeeynaaya Haweenka Somaaliyeed, Duulimaadka
Cad oo qaawana ku heeysta Aqlabiyada Dalkeena Hooyo.
 
      Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey u arkaan una aqoonsandeen
Xubnaha ka qeyb-galy Kulankaas kuwo taageersan,kana raali ah ama
ku Faraxsan Dhiiga,Dhimashada iyo rafaadka Dalkeena ka taagan oo
eey ugu Hambalyeeyeen Zanaawi iyo Rajiimkiisa, waana Khaayiniin
u adeegaaya Rajiimka Faashilka ee C/Laahi iyo Geedi Wakiiladda
Zanaawi u fadhiya Dalka Somaaliya.
 
     Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu aqoonsan yahay xurmeeynaayaa
Baaqi iyo Go'aamadii wax ku oolka ahaa Aqlabiyadda Xubnaha Dadka
ama Jaaliyadda Somaaliyeed ee ku Nool Danmarka eey soo saaren kuna
Cambaareeynaayeen Dulimaadka iyo Xasuuqyadda Itoobiyaanka ka Wadda
Dalkeena, iyo Qorshaha ama Olollaha eey ku doonaayaan in Cadaalada
lagu Hor-keeno kuwa Gacan ku dhiiglayaasha oo isugu Jira Itoobiyan
iyo Somaaliba,Waxaan Amaan, Bogaadiin iyo Taageero buuxda mudan
Guddigga Xubnihiisa uu ka mid yahay Proff-Axmed Ducaale.
 
 
     Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu ku boorinaaya Jaaliyadaha
Somaaliyeed ee Qurbaha in eey iska Illaaliyaanm,iskana Fogeeyaan
kuwa u adeegaaya Gumeeysiga iyo xulufadiisa,xaaraan quutayaasha
taageersan Cadowgga Diinta Iyo Dalkaba,waana kuwo Taariikhda Dalka
ka geli doono Bogaga Madoow,hadana Ceeb iyo sharaf dhac ku dhex
jooga Dadka Somaaliyeed.
 
 
 
 
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Af-Hayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabad,Midnimadda
Iyo Cadaaladda.
-England-UK- 23/04/2007-
-sharifhassan50@yahoo.com-

Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir

Webmaster@calayaale.com

 

_________________________________________________________