OGOOW MUDAAHARAADKA GUMEEYSI DIIDKA AH 28/12/2007-CIRIFYADDA ADUUNKA.

By:

                   Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                           Huddersfield-England-24/12/2007
Ra'yi
 Decem 24/2007
28/12/2007 waxeey ku aadan tahay Maalintii Gumeeysigga
Wayaanaha Tigreega iyo Shaqaalihiisa Rakhiiska ah soo galeen
Caasimadda Qarankeena,magaaladda Maqaamka Sarre leh oo
Wadnaha Ummada Somaliyeed(Muqdisho)Sanad Guurada 1-aad,
Maalinta Gun-nimadda,Maalinta Taariikhda ka Gashay Baalka
Ama Boga Madoow,Maalinta Ceeb iyo Qaran Jabka,Maalinta eey
Damiir-laawayaashu Dhabarkooda ku soo xambaareeyn Tigreega
iyo Cawaanta Injirta badan,Maalinta kuwa Somaali ku sheeg ah
Xoriyadii iyo Jiritaankii Dalkooda Gumeeysiga ka Doorteen.
   Xoriyada ayaa ah Sheey Qaali ah,bilaash iyo Ciyaartoona lagu
helin laakiin Naf iyo Maal loo huro, Duruufo adag loo soo maray
Boqol Halyeey Naftooda ku waayeey,Masaafuris iyo Jeel waqti
badan qaaday galeen,Dumarka Somaliyeed Dahabkoodii Qaaliga
ahaa u Xaraasheen,Qaarkoodna Jeelasha ku Umuleeyn,Duurka u
Galeen Geesiyaal uguna Haajireen Xaasaskoodii iyo Caruuroodii
Timuhu ku Raamoobeeyn iyagoo Hadafkooda koowaad yahay in
Ummadda Somaaliyeed Hanato Xoriyad(Madax Banaani) Allah
Amarkiina weey Suurta Gashay,Balse ogoow Halyeeyadii Doorka
weyn ka Ciyaaray Xoriyadda Wax Faa'iido oo gaar ah ma Heliin,
Waayo Masuuliyadood Qarameed ayeey Guteen,Cidna Abaal iyo
Mahad celin kama Rabiin.Waloow eey Haboon tahay in Sida ku
Haboon loo Xuso Halgankoodii Geesinimada lahaa.
 
 Hadaba Anigoo ah Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab) Muwaadin
Somaliyeed ah,kana Mid ah Bahdda Qorayaasha Qalinkooda iyo
Codkoodaba ku Difaaca Qadiyada Xaqa,Danta Guud ee Dalka
Dadka Iyo Diinteena Muqadaska ahba,waxaan halkan uga soo
Jeedinaayaa Jaaliyadaha Somaaliyeed ee Qurba jooga ah ka soo
Qeyb galaan Mudaaharaadka Aduunka oo dhan ka Dhici doona
28/12/2007-Hadii Alle Idmo,laguna diidan Yahay Heeryadda iyo
Duulimaadka Gumeeysiga Tigreego ku Qabsadeen Dalkeena iyo
ka Gilgilashadda Xasuuqyadda,Gumaadka,Bara-kicinta,Boodka
iyo Burburinta Hantida Dadweynaha,Fara-xumeeynta Haweenka
Iyo Afduubka:-Culimaa'udiinka,Aqoonyahanka,Hoganka Dhaqnka
Iyo Ugaarsigga Dadka Qiimaha Qaran ah.
 
 Waxaan ku boorinaayaa Jaaliyadda in eey Gartaan Masuuliyada
Diineed,Qarameed iyo Akhlaaqeed oo ka saaran Dalkooda iyo
Dadkoodaba,Qiimaha Xoriyadu leeyahay(Macaankeeda) iyo
Xanuunka,Quursigga iyo Dhibaatada Gumeeysigu leeyahay oo
aan Marna la qaadan kareeyn,Jaaliyadu waa in eey Gartaan oo
ka faa'iideeystaan Ahamiyada Codkood leeyahay iyo Xoriyadda
Dalalka eey ku nool yihiin oo u ogolaaneeysa-Mudaaharaadka
iyo Cabiridda Codkooda-Fadlan Soo Tosha Astaanta Calaanka
Qaranka,Soo Qaata Tabeelayaal aad ku Muujineeysan Sawirada
Xasuuqa iyo Tacadiyada Dalkeena ka Dhacay Ciidanka Itoobiya
geeysteeyn iyo kuwa Shaqaalaha u ah(Maryo Calasta) iyo kuwa
Isku Sheega Dowladaha Waaweyn,laakiin ah Hoyga Gumeeysiga
Cusub,Sidoo kalle Waxaa Jiri Doonta Hadii Alle Idmo Mashruuca
Dhaqaale u ururiinta Dadka Tabaaleysan(Bara-Kacsan)29/12/07
lagu qaban doono Dalkan UK-Fadlan ka Akhriso:-
 
   Walaalayaal Somaaliyeey:- Maya Gumeeysiga Maya, Maya
Heeryadda Wayaanaha Maya, Maya Daba-dhilifta Maxaabiista
ku ah Makhaasiinka ADC Baydhaba, Maya Qabyaalada Cudurka
ah iyo Kuwa ku Adeegtaba, Maya Qorshaha Gacan ku Dhiigle-
Zanaawi iyo Nidaankiisa, Maya Madaxweyne ku Sheeg Been ah,
Maya Xukuumad ku Sheeg Sawir ah,Maya Bara-kiciinta Dadka
Somaaliyeed,Maya Bililiqeeysiga Kheeyraadka Badaheena Maya,
Maya u Gefida Xurmadda Masaajidyada,Maya Xakameeynta iyo
Cabudhiinta Warbaahinta,Saxaafada iyo Codka Runta Sheega,
Maya Gun-nimadda iyo Kuwa Doortayba-Maya,Maya iyo Maya.
 
-NIN LAGU SEEXDOOW HA SEEXAN-
-HA KA MAQNAAN MUDAAHARAADKA 28/12/2007.
 
 
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK-20/12/2007-

 

Muqdisho soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de

Webmaster@calayaale.com

 

_________________________________________________________