Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimadda
Iyo Cadaaladda waxeey
amaan,bogaadiin iyo taageero buuxada halkan
uga soo gudbinaayaan Hogaanka Sare,
Golayaasha iyo Halgamayaasha xaq u dirirka ah
ee Jabhada Wadaniga ah(ONLF) oo
Dhar-baaxooyin waaweyn iyo Duruus u dhigtay
Ciidanka Gumeeysigga Itoobiyaanka
iyo Kuwa kabaha u qaadaba.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed oo la duuban, garab
taagan Xaqa
eey u leeyihiin Shucuubta Aduunku Xoriyadooda,
madax banaanidooda iyo aayo ka
Talintooda Dalkooda ama Dhulkooda kuna cad
Xeerarka Caalamiga ah iyo Axdiyadda
Qaramadda Midoobeey, Midoowgga Afrika iyo
Curfigga Xuquuqeed ee Aduunka u
Dhigan,waxaana Qireeynaa in Ummadda S/Galbeed
ama Ogaadeniya iyo Shucuubta
la midka ahiba ku jiraan Halgan, jihaad xaq
ah, Hadii Alle Idmona eey Hanaan Donaan
Guusha kama Dameeyska ah, Waxaa xaq ah
Halgankiina, midka Reer Falaastiin,Kashmiir,
Saxaaraha Galbeed iyo Mid Ummadda Somaaliyeed
kula Jiraan Duulimaadka Qaawan
ee Gumeeysiga Madoow.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu ku
boorinaayaa, kuna dhiiri gelinayaa
Mujaahidiinta Geesiyaasha ah ee xaq u dirirka
ONLF in eey halkaas ka
sii wadaan, laban laabaan halgankooda,
mideeyaan codkooda iyo cududooda
iyo wada jirka Ummadda Reer S/Galbeedba,si
halgankoodu awood iyo baaxad weyn u
yeesha, culeeyskuna ku sii batao Gumeeysiga
Iyo Cawaanta u adeegeeysaba,sidoo kale
waxaan kula talineeynaa Hogaanka
Mujaahidiinta ONLF in eey ka Fogaadaan wixii u
Keenaaya Dhaliilo.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
waxeey ugu Baaqaayaan Madaxda Sarre iyo
Saraakiisha Hogaaminta Xoogaga Xaq u dirirka
Safka hore ku jira in eey Xurmeeyaan
Illaaliyaan Xuquuqdda Caalamiga ah ee
Maxaabiista iyo Dadka Rayidka ah,Daryeelan
Khubaradda iyo Shaqaalaha Shiinaha ah oo eey
Gacanta ku hayaan, anaagoo Amaan
iyo Bogaadiin u soo jeedineeyna Af-Hayeenka
Jabhadda ONLF Sidii masuuliyadda
leheyd ee uu ugu cadeeyeey Wareeysigii uu
BBC-da siiyeey in Khubaradda Shiinaha
ahi ku jiraan Gacan amaan ah-Xurmadoodana
leeyihiin.
-Guushana Xaqa ayaa Leh-
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Af-Hayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimadda
Iyo Cadaaladda.
-England-UK- 25/04/2007-
