|
Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed
Nabada,Midnimada iyo Cadaalada
Codka iyo Damiirka nool ee
Bulshadda Wadaniyiinta ah halkan
Taageero buuxda ugu soo
gubinaayaan Ururka Midoowga Qurba
Jooga Somaaliyeed oo
dhawoon kulan ku yeeshay Minneapolis
ee Dalka
Mareeykanka,laguna wacyi gelinaayeey Jaaliyada weyn
oo Dalkaas ku dhaqan.
Dhaq-dhaaqa Somaaliyeed
wuxuu u arkaa kulankaas mid qiimo
weyn lahaa, talooyin
dhaxal gal ahna ka soo baxeen kana qeyb-
galeen Shakhsiyaad magac
iyo maqaam weyn ku leh Qoomiyada
iyo Dalka
Somaaliyeedba-Gaar ahaan Halyeey-Odey C/Risaaq X.
Xuseen Siyaasiga Qarnigga
iyo Xubno Sare oo ka Tirsan Ururka
Dip u Xoreeynta
Somaliyeed-Sida Zekeriya Maxamed Gudoomiye
ku Xigeenka Labaad ee
Ururka.
Dhaq-dhaqaaqu wuxuu si
buuxda u taageeraayaa una soo
Dhoweeynaayaa Go'aamadda
ama Talooyinka wax ku oolka ah
oo Kulankaas ka soo
baxay,loona baahan yahay in Bulshadu ku
Dadaasho hirgelintooda ama
xataa ku dhaqmida qeybo ka mid
ah Talooyinkaas dhaawac
weyn gaarsiin karaan Gumeeysiga iyo
Dhaqaalihiisa ka soo gala
Dhanka Somaaliya,Waxaanu Dadka
ku adkeeynaaynaa garashada
ahamiyada Tallooyinkaas.
Dhaq-dhaqaaqa
Somaaliyeed waxeey ku boorinaayaan Dadka
Qurba jooga ah iyo Ururada
Bulshada u adeega in eey Dadaalka
laban laabaan,gartaan isla
markaana gutaan Masuuliyada weyn
oo ka saaran Dalkooda iyo
Dadkoodaba, gaar ahaan xiligan oo
Heeryada Gumeeysiga
culeeyskeedu sii weynaanaayo,Dhibkiina
Ummada wada
gaareey,waxaanu ku boorineeynaa dagaalka iyo
Halganka dhanka Dhaqaalaha
ah in Wayaanaha lagu qaado,lana
Curyaamiyo kheeyraadka ka
soo gal Dalkeena iyo Dhakhliga eey
Dadkeenu Dalkaas geliyaan
oo aad u badan.
Dhaq-dhaqaaqa
Somaaliyeed waxeey halkan Amaan,Bogaadin
iyo Hambalyo dhammaan ka
soo qeyb galayaasha Kulankaas iyo
Halyeeyadii Khudbadaha
halkaas ka Jeediyeey sida ku haboona
u qeexay Xanuunka iyo
dhibaatada Gumeeysigu leeyahay iyo
ahamiyada loo celinta
Xoriyadii qaaliga aheyd-Fadlan hoos ka
Daalaco Tallooyinka
Kulankaas ka soo baxay:-
Kulankii Ururka Midowga Qurba Joogga
Soomaaliyeed:-Talooyinkii ka soo baxay.
Diyaaradaha Ethiopian Airlines Waa in aan qof
Soomaali ah raacin...
Xawaaladaha Soomaaliyeed waa in aysan wax lacag ah
gey Addis Aababa, Xawaaladii geysanaya waa in Soomaalidu
Qaadacdo oo aan lacag lagu xawilan...
Qofkii Viso ehelkiisa ugu diri lahaa Addis Ababa ha
ugu diro Jabuuti oo ay ku yaalaan Safaaraha Adduunka oo
dhan...
Qof Soomaali ah waa in uusan iibsan Canjeelo
Xabashiga (Canjeero Itoobiyaan)
Qof Soomaali ah waa in uusan iibsan Qaadka ka Yimaada
Itoobiya
Qofkii Itobiyaan taageera waa in laga dhigo Gun oo
aan laga guursan, lana takooro, laguna qoro buugga madow...
-Qorre-Xassan
C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda
Iyo Cadaaladda-
-England-UK-25/11/2007-
webmaster@calayaale.com |