Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabada.Midnimada iyo Cadaalada
Mabaadidda Asaasiga u ah iyo
Tiirarka Qadiyadoodda guud waa
Siddan:-
1-Ka Qeyb Qaadashadda Buuxdda
Dib u Xoreeynta Dalka Hooyo
Iyo kuwi Hore u Maqnaaba(Hiilo iyo
Hooba),Waana Hadafka aan
laga laaban kareeyn.
2-Qaran Somaaliyeed Mideeysan
Dhul Iyo Dadba.
3-Nidaamka Xaq
ah,Cadaalad,Sinaan Iyo Garsoor Ku Dhaqmid
leh,ka Turjumaaya Rabitaanka
Aqlabiyada Ummadaa Smaaliyeed.
4-Hogaan Daacadnimo,Aqoon
Sarre,Qiiro Wadaniyadeed Iyo
Aragti Somaaliyeed leh,una
Diyaarta u Adeegidda Dadkiisa
iyo Difaaca Dalkiisa.
5-Dalka Xor ah:-Siyaasiyaan Iyo
Dhaqaalle ahaanba.
6-Nidaam Hirgeliya:- Hanaan
Siaasadeed Xor ah,Dhaqaalle
Madax banaan, Deryeel Bulsho, Kor
u Qaadidda Heerka Aqoonta
Asaasigga ah,Tacliinta Sarre Iyo
Dhiiri gelinta Takhasuuska
Gaar ahaaneed Qeybihiisa kalla
duwan Iyo Farsamo Gacmeedka.
7-Nidaan Mudnaanta
Siiya:-Qaranimadda,Wada Jirka Ummadda
Iyo Xoojiinta Hab Dhaqameed
Suuban,Maya Qabyaalad,Durbaanka
Qof Jecleeysiga iyo Daneeysiga
Gaar ahaaneed.
8-Nidaam Ku Saleeysan kana
Duulaaya Shareecadda Diinteena
Islaamka ah, Hirgelinaaya
Tacaalinteeda Suubaan(Marjacna u
ah Diwaanka Guud).
9-Nidaamka Hirgelinaaya:- Wax
Soo Saarka Wadaniga ah ee
Dhinacyadda:-Kheeyraadka
Beeraha,Badaha,Xoolaha Nool iyo
Kheeyrka Dabiicigga ah oo Weli
Dihiin.
10-Nidaam ku Saleeysan Hab
Cadaaladeed Qeybsiga Hantidda,
Kheeyraadka Dalkeena Iyo
Dakhligga Guud.
11-Nidaamka ka Duulaayaa
Aragtidda,Rabitaanka Iyo Danaha
Ummadda Somaaliyeed,Wada Tashi iyo
Dhegeeysiga Codkooda ka
Turjumaaya(hab Keli Talisnimo
Maya,Xukuum Muruursi iyo Dhac
Hantiyeed Maya,Xasuuq Iyo Umaadda
Maya, Ku Xadgudbiyada iyo
Duudsiga Qaanuunka Maya).
12-Nidaam Illaalinaaya Xoriyadda
Saxaafadda,Warbaahinta
Iyo Xoriyadda Qowlka,Xurmadda
Qalinka iyo Cabirida Ra'yiga,
leh Xeerar iyo Qaanuun cad lagu
Maamus,Xaquuqada Illaaliya
Khaladkoodna Qabta.
13-Nidaam Hirgeliya Dhisida
Ururo Bulsho oo Wax Tarkooda
leh,Si Madax banaan Dadweynuhu u
soo Xushaan sida:-Ururadda
Haweenka,Dhalinyaradda,Shaqaalaha
Iyo kuwa Bahda Saxaafadda
Iyo Warbaahinta Somaaliyeed.
14-Nidaanka Sida ku haboon u
Daryeela:-Xarumaha Agoomaha,
Naafadda Iyo Guud ahaan Daryeelka
Dan-yarta Somaaliyeed.
15-Nidaam Illaaliya
Xurmada,Maqaamka iyo Madax banaanidda
Garsoorka iyo Hanaanka Shaqo ee
Golaha Cadaaladda.
16-Nidaam ku Saleeysan Qiimeeyn
Shaqadda,Wax Qabadka iyo
Habka Adeegadda
Wasaaradda,Wakaaladaha iyo guud ahaanba
Hey'adaha Dowladeed Isla markaana
Illaaliya Nooca Tayo iyo
Qaabkooda Shaqo ee Adeegyaha
Dadweynaha.
17-Nidaam Hab Nabadeed,Xiriir
Wanaagsan Iyo Hab wax wadda
Qabsi ku Saleeysan kula dhaqma
Beesha Caalamka,Mudnaantana
Siinaaya Maslaxadda iyo Danta Guud
ee Ummadda Somaaliyeed.
18-Nidaamka Dhiiri Geliyadda
Guud ahaan Ispoortiga Iyo
Xeeladaha Farsamo ee Dhalinyaradda
Somaaliyeed,Caqligooda
Iyo Jirkoodaba sida ku haboon u
dhisa u Diyaarin Hogaanka Mustaqbalka.
19-Nidaamka Hirgelinaaya Helidda
Maxkamad Heer Caalami ah
oo la hor-keeno Dhammaan
Dembiilayaasha Somaaliyeed:-Gaar
ahaan kuwa
Xasuuqyadda,Gumaadka,Fara-xumeeynta Haweenka iyo
Dahaca Hantidda,Bara-kicinta
Bulshada,Afduubka iyo Dhibaato
u geeysashadda
Aqoonyahanka,Culumaa'udiinka iyo Wax garadka
Somaaliyeed,Keenidda Gumeeysiga
iyo Ogolaanshada Biicinta
Dalkeena Hooyo,Dhaawac Karaamadda
Diineed iyo Ummadeedba oo
Weliba Xiligan Aqlabiyadooda ka
Tirsan Rajiimka Federaalka
Fadhiidka ah.
20-Nidaamka Hab Garsooreed Xaq
ugu Soo Celinaaya Dadka
ama Muwaadiniinta Hantidooda ma
Guurtada ah Dad kalle xooga
ku Heeystaan,Ummadana si Cadaalad
leh ugu kala Xaq sooraaya
Eex Iyo Dulmina si fogaanaaya.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey
si cad u taageerayaan
la duuban yihiin,wada shaqeyn iyo
iskaashi la yeelan karaan
Cidii buuxineeysa Shuruucadaasa
Aasaasiga ah,Hirgelinaaya
ku Dhaqmideeda,hadafkooduna yahay
Danta Guud iyo Masxlaxada
Ummadda Somaaliyeed,Qaranimadda
Iyo Midnimadda Buuxda Dalka
Iyo Dadka Somaaliyeed,Sida
Muuqatana Ururka Dib u Xoreeynta
Somaaliyeed oo Dhowaan aasaaskiisa
Looga dhawaaqay Asmara
Dalka Ereteriya isla markaana eey
ku Midoobeeyn:-Hogaankii
Midoowgii Maxaakiimtii
Islaamiga,Xubnaha Barlamaanka Xorta
ah,Ururada Bulshada Rayidka
ah,Qurba jooga iyo Aqoonyahanka
Somaaliyeed iyo Qaarka ka mid ah
Hogaanka Dhaqanka,ayaa leh
Qeybo badan oo Sharuudadaas ka mid
ah,Sidaas awgeed waxaanu
Halkan ku cadeeyneeynaa in aanu
Codkayaga ku biirineeyno
Taageero buuxdana u Heeyno
Hogaanka Sarre,Golaha Dhexe iyo
Gudiyadda Fulinta ee Ururka Dib u
Xoreeynta Somaaliyeed.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu
ku boorinaayaa Bulsahdda
Somaaliyeed Gudaha Iyo Debedda
Dalka ku kala Sugan in eey
Taageero buuxda u Fidiyaan,lana
saftaan Ururkaas isu taagey
Xoreeynta Dalka Hooyo iyo Soo
celinta Karaamadii,Sumcadii
Iyo Hanaankii Dowlad Cadaalad iyo
Sinaan leh oo Dalkeena
Hooyo Yeesho,Waxaan u Rajeeyeey
Ummadda Somaliyeed Guul iyo
Gobanimo Buuxdda,Inshaa Alle.
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Dhaq-daqaaqa
Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-England-UK-27/10/2007-
-sharifhassan50@yahoo.com-