BILOOWGII BURBURKII RAJIIMKA FADHIIDKA AH.

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-31/10/2007
Ra'yi
 October 31/2007
 
Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed Nabada,Midnimada Iyo Cadaalada
waxeey u arkaan biloowgii guusha Ummadda Somaaliyeed iyo
Biloowgii Bur-burka Rajiimka Fadhiidka ah,Gumeeysiga Talada
Iyo Qorshaha Xasuuqidda Muwaadinka ka soo qaata,kuwa isku
Sheega Dowlada laakiin Runtii Adeegayaasha iyo khaayimiinta
Gun-nimada door biday,Casilaada ama ceeyrinta Camiilka weyn
Proff-Geedi biloowgii kala yaaca Dembiilayaasha.
 
 
  Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey Ummadda Somaaliyeed sida
ku haboon ugu qeexaayaan in Rajiimkaasu yahay mid aan marna
Meteliin Masuulna ka aheyn danta guud iyo maslaxadda Qaran,
balse yahay mac-mal gumeeysigu soo dhoob-dhoobay,Fulinaaya
Ujeedooyinka iyo qorshe qato dheer leh oo weligiiba loo soo
Meleegaayeey Dalka iyo Dadka Somaaliyeed,damaca Itoobiya,
Cadoowgeena koowaad iyo hadafka gumeeysiga cusub ee aduunka
Mareeykanka iyo Xulafadiisa.
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Howlaha arlada      
 
   Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed marna ma aqoonsan Rajiimkaas,
mana kala jecla Raxanta dembiilayaasha ah iyo xilalka eey
isku magacaabaan:-Madaxweyne,Ra'iisal Wasaare.Gudoomiye
Barlamaan,Xukuumad,Wasiiro iyo Xildhibaano balse dhammaan
waa Dembiilayaal Qaran mudan la Xisaabtan iyo Maxkamadeeyn
Heer Caalami ah oo waajibkooda lagu mariyo.
 
   
   Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed oo codka,damiirka Muwaadinka
Xalaasha ah ka turjumaayana kana duulaaya rabitaankooda wuu
u soo jeedinaayaa Beesha Caalamka ka fogaanshaha guud ahaan
Soo dhoweeynta,magan-gelinta iyo u fidiinta goob nabadeed
Xubnaha Rajiinkaas Xasuuqyadda,Gumaadka,Bara-kicinta,dhaca
Hantida Dadweynaha iyo Fara-xumeenta Haweenka Somaaliyeed
ku caan baxay,gaar ahaan kuwa Madaxdda sare sheegta oo si
cad u dhacay Deeqdii iyo Kaalamadii dhaqaalle loogu deeqay
Dalka Iyo Dadka Somaaliyeed Proff-Geedina Koow ka yahay.
Hadii anan dhulkaygoow       
 
   Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed wuxuu si joogto u Cambaareeynaa
Nidaamka Keli-taliska ee Addis Abba wuuna Hogaaniye-Melez
Zanaawi Mujrimka ugu weyn Geeska Afrika fara-gelinta iyo
Qabsahashada Dalkeena hooyo iyo Tacadiyada xad dhaafka oo
eey Ciidankiisu ka wadaan Caasimadda Muqdisho,waxaanu ugu
Baaqeeynaa in eey sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan Dalka
Somaliya,kana waantoobaan ku xadgudbida xoriyada,Jiritaanka
Qaranka Somaaliyeed,anagoo ku talineeyna in Beesha Caalamku
garato isla markaana gudato masuuliyadeed akhalaaqeed.
 
 
   Dhaq-dhaqaaq Somaaliyeed wuxuu ku boorinaaya Jaaliyadda
Qurba jooga Somaaliyeed abaabulidda Mudaaharaad iyo Banaan
baxyo baaxadooda leh loga soo hor-jeedo joogitaanka xoogaga
Gumeeysiga Itoobiya.lguna cambaareeynaayo Tacadiyadooda iyo
Dhibaatada eey Dadkeena ku hayaan,Fadlan,Fadlan garta,Guta
Masuuliyada Diineed,Qarameed iyo Akhlaaqeed oo Dalkeena iyo
Dadkeena inaga Saaran,Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeedna marna kama
gaabinaayaan gudashadda waajibaadkooda Qarameed.
 
 
 
 
 
 
 
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda-
-England-UK-30/10/2007-
 

_________________________________________________________