Dunidda Reer Galbeedka waxaa ka jira
Shakhsiyaad Asalkoodu
yahay Muslin,kuna Ridoobeey Diintoodii
Sharafta weyn leh,waana
kuwa lagu tilmaamo dhuuni raac
lunsan,qiilna ka dhigta Xuquuqdda
iyo Xoriyadda Haweenka iyo dhiiri gelinta
Khusuqa iyo fasaadiinta
Dumarka Muslinka ah, Weliba kuwo Aqoonta
Diineed sida weyn ugu
Yartay,Caqligooduna Liito.
Hadaba
sida ku cad Shebekadaha Internetka ee
Warbaahinta Somaaliyeed arrin la yaabkeeda
leh oo eey ku kacday
Gabadha Asalkeedii yahay Somaaliyeed,kuna
dhashatay Baadiyaha
Magaaladda Burco,taasoo si weyn u
dhaleecaaysay Diinta Islaamka
iyo Quraanka Kariimka ah oo Munasalka
ah,Maxfuudka ah,dhameeysi
Tiran ahna Qowlka Raxmaanka,kana reeban wax
dhaliilo ah ama wixii
la Oran karaayo Dulmi Basharka loo
geeysanaayo,Quraanka ayaa ah
Mahnajka guud ee Ummadaha Islaamka.
Khadra Nuur Yuusuf oo Dad,deeda
lagu tilmaamay 26ilaa 30
Sano,aqoonteeduna aad iyo aad u
hooseeyso,intii mudo ahna deganayd
Dalka Norwaay oo eey Biloowgii 80-kii
Qaxootinimo ku soo gashay,
Mudao kadibna ka biloowday Ololle looga soo
hor-jeedo Gudniinka
Nooca loo yaqaano Fircoonigga oo sida eey
sheegeeyneeyso iyada
lagu sameeyeey,laguna dhaawacay
Dareenkeedii Naagnimo,runtii Anigu
Shakhsiyan waan ka soo hor-jeedaa habka
Gudniinka Fircooniga ah oo
ah mid ka baxsan Hab Dhaqameedka
Shareecadda Islaamka,Gabadhaas ayaa Ololle Colaadeed iyo been ka
sheegid ku sameeysay Imaamadda
Masaajiyada Norway,iyadoo si Qarsoodi ahna
uga soo duubtay Vidio
si khaldana u turjunteey Masaa,iis Diineed
oo ku saabsan Xaqa iyo
Doorka Dumarka Muslimiinta ah,iyadoo tirri
Quraanku wuxuu wax u
Dhimaay,hoosna u dhigay Haweenka,waxaana
haboon in wax laga bedelo
Quraanka oo lagu daro Qodobo ku saabsan
Xuquuqda,Xoriyada Dumarka
iyo xaqa eey u leeyihiin in eey la Sinmaan
Ragga.
Ololleheeda Xaq darada ah iyo taageerada
weyn oo
eey ka Heshay Kooxaha Islaam Naceeybka ku
caanka
oo Tima-dheerayaashu Horseedka ka Yihiin
iyo kuwa
ku caan baxay Cunsuriyada ayaa keentay In
Imaamada
Qaarkood Shaqadii laga joojiyo,qaarkoodna
ka Caraan Dalkaas,waana
Halkii ama Wadadii-Gabadhii Ayaan Xirsi ee
Dalka Hollanad joogi
Jirtay,Barlamaankana Xubinta ka aadan
jiray,Filimka sida weyn u
Dhaliilaayeey Diinta Islaamka wax ka
Sameeysay iyo Howlo badan oo
ahaa Been abuurid iyo Colaad hurin la dhex
dhigaayeey Jaaliyadda
Asalkeedu yahay Muslinka iyo Dadka Dalkaas
Holland,laakiin Guul
Darada ku Dameeysay,Khadrona waxaa sugaaya
Masiirkaas Madoow iyo
Weliba Shalaayo weyn,beentuna meel ma
gaarto mana waarto,Diinta
Islaamka iyo Marjaceeda koowaad-Quraanka
Kariimka ahna Raxmaanka
Ayaa Illaashanaaya,Cadoowgiisuna ma
guuleeysanaayo,Hadii waxyaabo
Been ah laga Sheegaayona ma Haboon in Qofka
la Dulmo.
Waxaan Tallo ahaan u siin lahaa
Gabadhaas Somaaliyeed oo hada
u muuqata Mid Ridoowdeey,in eey ku soo
Noqoto Wadada toosan,kana
Toobad keento Camal Sheeydaankaas,Cafiskuna
waa Furan yahay,lakiin
waa in Toobad keenku Dhab yahay,Alloow soo
Hadeeyd-Amiin,hadii eey
ku adkeeysta Hanaankeeda Sheeydaana Diinta
Islaamku wax uma noqon
Doonaa -Khadra iyo Ayaan iyo kuwa Noocooda
ahba.
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(xassan Carab)-
-England-UK- 15/04/2007-
Muqdisho soomaliya Calayaale Media Center
calayaal@yahoo.de
Webmaster@calayaale.com