Basharka Alle Abuuray waxeey ku kala duwan
yihiin dadnimada,
Damiirka,Dareenka Qof ahaaneed,Qiirada
wadaniyadeed,Xil kasnimada,
Iyo Dhaqanka Suuban, waana Sifooyin laga
heli karaayo Waqtigan in
Yar ama kooban oo aan oran karaayo Inta
Nasiibka leh-Xildhibaan
Drs-Caasha Xaaji Cilmi waa
Muadimad Somaaliyeed oo Xalaal ah,
kuna caan baxaday Wadaniyada iyo u
adeegidda Bulshada Dan yarta
ah,gaar ahaan Haweenka Iyo Dhalaanka
Somaaliyeed oo duruufaha
adag iyo xaalada qalafsan ku sugan gudaha
Dalkeena Hooyo.
Qof
walba waxaa lagu qiimeeyaa kaalinta ama
Doorka uu ka qaato dhinacyada kala duwan ee
Noloosha Bulshada ama
sida uu uga dhex muuqdo Dadkiisa,
Xildhibaan Caasha oo ka tirsan
Golaha Barlamaanka Somaaliyeed, gaar ahaan
Kooxdda Wadaniyiinta ah
oo u taagan Difaaca Qaran-nimadda iyo
jiraanka Dalka, Illaalinta
Karaamada iyo Sumcada Ummadeedna, ahna
Hormoodka Garabka Haweenka
ama Guud ahaanba Haweenka Somaaliyeed,
waxeey Dareenkeeda,Codkeeda
si joogto ah ugu cabireeysaa meel walbana
ku soo bandhigeeysaa
Habka iyo Hanaanka Wanaagsan oo lagu hanaan
karaayo Dowlad dhab ah
oo ka turjumeeysa Rabitaanka Aqlabiyada
Dadka,kana duuleeysa danta
Guud iyo Hanashada Nidaam Cadaalad,Sinaan
iyo xaq ku saleeysan oo
Dalka iyo Dadkuba uga baxaan dhibaatooyinka
iyo xaaladaha Qalafsan
oo mudada dheer lagu jiray, dib u dhaca iyo
Khasaaraha badan laga
Dhaxlay.
Xildhibaan-Caasha
Xaaji Cilmi waxeey si cad u
Diiday u adeegidda, Sacab u tumidda
Gumeeysiga
Madoown Itoobiyaanka iyo Xulafadooda
Xasuuqyada,
Gumaadka, Bara-kicinta, Fara-xumeenta
Haweenka iyo
Qafalashada Muwaadiniinta Somaaliya ka wada
Dalka
Gudihiisa Gaar ahaan Caasimadda Qaranka
Muqdisho,
Waxeeyna Codkeeda iyo Qalinkeedaba sida ku
haboon
Aduunka ugu Gaarsiineeysaa xaqiiqada dhabta
oo ka
Jirta Xiligan Dalkeena hooyo oo runtii ku
jira Gacanta Gumeeysigga
Itoobiyaanka.
Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi iyo
Xubnaha eey isku aragtida
Yihiin oo ah Wadaniyiinta Somaaliyeed ee
Xalaasha waxeey mudan
yihiin Amaan.Bogaadiin iyo dhiiri gelinba,
taakuleeyn iyo taageero
joogto ah iyo in lala duubto oo garab iyo
gaashaanba loo noqdo,
laga faa'iideeysto waayo aragnimadooda iyo
xog-ogaalnimadoodaba,
Caashona weey ku Banaan tahay Xildhibaanad
Somaaliyeed oo Gatay
Waajibaadkeeda Qarameed iyo Xaqa Dalkeeda
Hooyo ku leeyahay,Waxaan
Leeyahay Taariikhda ayaa Xusi Doonta
Doorkaaga iyo Kaalintaasaba
Aniga Inta Damiirka iyo Qiiradda
Wadaniyadeed lehna waanu Ognahay
Qiimahaaga Iyo Maqaamkaaga Sareba, Waxaad
Mudan tahay Bilad Dahab
ah.
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK-16/04/2007-
Tafatiraha wararka
caalamka iyo
soomaliya Calayaale Media Center
calayaal@yahoo.de
kalasoo xiriir
Webmaster@calayaale.com