|
Waxaa guul weyn ah oo
farxadeeda leh Talaabadda weyn
oo Taariikhda Dalka Kenya
ku cusub,Xilka Qaran ee loo Doortay
Halyeeyga Somaaliyeed
FAARAX MACALIN DAWARA oo noqday
Gudoomiye ku xigeenka
Golaha Barlamaanka Kenya,waa markii
Koowaad oo Muwaadin
Asalkiisu yahay Somaaliyeed gaaro ama
loo doorto Xilkaas weyn.
Faarax Macalin oo ka
soo jeedda Degaamada Berigga(Dhulka
Somaaliyeed oo weli ku
jirra gacan Dalka Kenya ayaa ka tirsan
Xisbiga Mucaaradka oo
aqlabiyada Barlamaanka ku guuleeystay
Doorashadii ugu
dameeysay,si cadna looga boobay guushii Xilka
Madaxweynenimada
Dalkaas,Dadka aqoonta gaarka u leh Farah
Macalin waxeey ku
tilmaameen Muwaadin Xalaal ah,Geesi weyn
oo aan ka gaban u doodida
Xuquuqda Qoomiyada Somaaliyeed,
waxaana Tusaale u ah sida
cad wuu u Cambaareeyo Joogitanka
Ciidamada Itoobiya ee
Somaaliya iyo Dhaliilsha Nidaamka ka
Taliya Kenya oo Taageersan
Duulimaadka xaq darada ah iyo
Tacadiyada Itoobiyaanka u
geeysanaayaan Dadka Somaaliyeed,
iyo diidmadiisa ku aadan
sida xun oo Xukuumadda Kenya ula
Dhaqanto Muslimiinta
Dalkiisa ku Dhaqan.
Runtii waa Guul weyn
oo u soo hoyateey Goboladda Barigga
iyo Guud ahaanba
Qoomiyadda Somaaliyeed ee Reer NFD oo si
weyn uga Dameeya Degaamada
kalle dhanka horumarka,Biyaha
Daryeelka
Caafimaadka,Waxbarashadda,Wadooyiinka,Shaqadda
iyo Xuquuqdda
Muwaadin-nimoba,waxaana si weyn u dayacay
Kaalintoodii ka Seexday
Xildhibaanada Somaaliyeed oo ku balan
Furay Shacabkii soo
doortay,Danahooda gaarka ah u Xoogsada,
Laakiin Doorasahadda iyo
hanashada Xilkaas sarre ee Faarax
Macalin waxaa loo arkaa
guul weyn iyo faa'iido u soo hoyateey
Shacabka Reer NFD iyo guud
ahaanba Somaali Kenya ku nool,
Waxaan Halyeey Faarax
Macalin Dawara ku Xusuustaa Doorkii
iyo Booqasahadii
geesinimada laheyd ee ku yimid Caasimadda
Muqdisho Xiligii Midoowgii
Maxaakiinta Islaamiga ka talinayeey
iyo Warbixiintii saraaxada
laheyd wuu ku amaanay Maxaakiimtii
Somaaliyeed iyo doorkoodii
wax qabadba.
Waxaan Halkan Hambalyo
uga soo jeedinaayaa Halyeeyga
Weyn Faarax Macalin
Dawara,waxaan u rajeeyeey guul iyo in
wuu sida ku haboon ugu
adeego Ummadiisa,intii Tabartiisa ah
ku raadiyo Xuquuqdda
Shacabka Somaaliyeed ee Reer NDF,
Guud ahaanba Muwaadiniinta
Muslimiinta ah.
Hambalyo-
-Qorre-Xassan C/Laahi
Sh(Xassan Carab)-
-England-UK-16/01/2007-
|