SANAD GUURADDA 64-NAAD EE S Y L.

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-01/04/2007
Ra'yi
 May 141/ 2007
Ciqaab dhibkeeda lehba,SYL Ummadda Somaaliyeed waxeey u dhigeen Taariikha si
weyn loo qiimeeyo, waxeeyna Mudan yihiin Mahad celin iyo amaan joogto ah.
 
 
 
 
 
Waxaa Xusuusid mudan Halgankii xaq u dirirka,Xariyadda
ee Geesiyaashii Waaweyn dagaalada qaraar la galay guulaha
waaweyna ka soo hooreey Gumeeysigii Cadaa iyo kan Madoowba Ummadda u iftiimiyeey
Xuquuqooda iyo Hanashada Madax banaanidooda sidda:-
*Halyeeygii Weynaa-Imaan Axmed Guray.
*Halyeeygii Weynaa-Darwiishkii-Sayid Max'd C/Dalla Xassan.
*Halyeeygii weynaa-Sh-Bashiir.
*Halyeeygii Weynaa-Sh-Xassan Barsane.
*Halyeeygii Weeynaa-Faarax Oomaar.
*Halyeeygii Weeynaa-Yuusuf Samatar.
*Mujaahidiintii Lafoolle.
 
       SYL-waxeey ka duuleen,kana shiidaal qaateen guulihii iyo mirihii Halgankii ka
Horeeyeey oo eey hab Casriyeeysan u bedeleen iyo hanaan Siyaasadeed eey Aduunka
u soo bandhigeen codsigooda xaqa ah ee Xoriyadda iyo Dhibaatadda Gumeeysigu ku
heeysto iyagoo ku gaashaaman taageeradda Ummadooda Somooliyeed iyo Tawakalka
Raxmaanka weeyna hanteeyn guushii, Waxaan halkan uga soo gudbinaayaa guud ahaan
Ummadda Somaaliyeed Hambalyo Munaasabadda 64-naad ee ka soo wareegteey markii
la Aasaasay Dhaq-dhaqaaqii Dhalinyaradda SYL, waxaana ku boorinaayaa in Maanta
loo baahan yahay soo nooleeynta Dhaq-dhaqaaqaas iyo halgankii xaqa ahaa maadaama
Dalkeena hooyo xiligan ku jirro Gacanta Gumeeysiga Madoow Itoobiya iyo Sheeydanka
Weyn ee Mareeykanka iyo Cawaanta Khaayiniinta ah oo Kabaha u sidda Isticmaarka.
 
        Maanta waxaa la joogaa ama lagu jiraa waqti adag iyo xili cakiran oo Dalkii ku
Jirr Gacanta Gumeeysiga, waana arrin ayaan daradeeda leh markna loo dul qaadan
kareeyn,Dadka ama Muwaadiniinta Wadaniyiinta ah,Damiirka iyo Dareenka nool leh iyo
Qiiradda Wadaniyadeed ka gilgilanaayaan, isuna taagaayaan Dib u Xoreeynta Dalka iyo
Soo celinta Karaamada iyo Sumcadda Dadkeena iyo Maqaamka Dalkeena, Maanta waa
Maalin Jihaad iyo Halgan Siyaasadeed,waxaana mudnaanta leh wada jirka,Midnimada
iyo mideeynta Codka iyo Cududda,sidoo kalle waxaa waajib ah u gargaarida,caawinta
iyo Taakuleeynta Dadkeena tabaaleeysan,guryahoodii , degaankoodii laga barakiciyeey
iyo kuwa sida xaq daradda ah loogu geeysteey tacadiyada xad dhaafka ah,isbitaaladda
Jiif una baahan daaweeynta iyo Daryeelka Caafimaadka.
 
-Somaaliyeey Kaca-Kaca Somaaliyeey-
-Diidneey Gumeeysiga Iyo Heeryadiisaba.
-Diidneey Daba-dhilifyadda Iyo Khaayiniinta-
-Diidneey Dhaawaca Karaamadeena Iyo Sharafteena-
-Diidneey Walaahi Diidneey Gumeeysiga Itoobiya Diidneey-
-Somaaliya Somaali baa leh-Guushuna weey Imaan-
-Tawakalka Raxmaanka Iyo Wada Jirkeena Mudnaanta Leh-
 
Heesta Maanta :Dhulka sow aniga malihi
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK- 14/05/2007-
 

_________________________________________________________