Yaa ka mas’uul ah xaaladaha argagaxa leh ee Tahriibayaasha?

By:

      Qorre-By:- Abdihakim Jama Joje Social Development Adviser
          saicentadv@yahoo.com  Leicester UK 04/12/2007
Ra'yi
Decem 04/2007 

Marka hore mahad idilkeed waxa iskaleh Allaah Subxaanu watacaala, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeeni ayey korkiisa ahaatay.

 

Intaas kadib qormadan oo aan doonayo inaan diirada ku saaro, xaaladaha foosha xun ee heysta dadka Soomaaliyeed ee maalin walba isku dayaya inay u tahriibaan Yeman, kuwaasoo intooda baddan ka baxa Xeebaha Puntland. Marka hore waxaan doonaya inaan ka faaloodo dadkan tahriibaya maxey yihiin, halkey ka yimaadaan, yaa ka kaxeeya Puntland iyo Cidda laga doonayo inay arintaas ka hortagto.

 

Tahriibayaashu waa dad Soomaaliyeed oo kasoo baqoola dhammaan magaalooyinka Soomaaliya, gaar ahaan Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo raadinaya inay badashaan xaalada nololeed ay imminka ku nool yihiin. Iyagoo aaminsan in ay tegi doonaan meel ka wanaagsan meeshi ay horey ugu noolaayeen, waana arin la rabo in dadka loo sheego inay tahay fikrad khaldan. Dadkaasi intooda baddan waxay ay ka dhoofaan xeebaha Puntland iyagoo uga sii gudbaya xeebaha Yemen. Waxa Puntland ka qaada niman isugu jira mulkiilayaasha doonyaha iyo kuwo dalaaliin ah oo dadkaasi isu soo ururiya. Dadkaas tahriibayaasha u sahlaya bixitaankooda idil ahaan waa dad u dhashay Puntland, gaar ahaan reer Boosaaso ah. Wey dhici kartaa inay ku jiraan dad faro ku tiris ah oo ka yimid magaalooyin kale, laakiin waxeynu xukunka saareynaa dadka baddan meesha ay ka yimaadeen. Waxa dhici karta inay dadkaasi laga dhoofiyo tuulooyin yar yar oo uusan maamulku gaarin, laakiin mar walba xukunku wuxuu ku dhacayaa in ay dadkaasi ka dhoofaan deegaanada Puntland oo fallaari gil gilasho kaagama harto.

 

Dadka u sahla tahriibayaasha inay ka dhoofaan xeebahaas, oo runti ah dad arxan daran oo ka tegay heerkii bani’aadan nimada. Iyaga waxa u daran lacagtooda oo ma kala jecla dadkan nolol maku gaarayaan halkey u socdaan, maxaa qabsan doona iyo weliba iyagoon dadka siineyn wax macluumaad ah oo la xiriirta khatarta dhoofkooda soo food saari doonta. Qaarkood iyagoon xeebti la gaarin ayey dadka ku qasbaan inay ka daataan doonyaha, iyagoo dadka tusaya leyrarka magaalooyinka ugu soo horeeya Yemen, oo ay dhici karto inay xeebta u jiraan dhowr boqol oo KM.

 

Waxa maalin walba ama todobaadkiiba mar maqalnaa dad aad u tiro baddan oo laga helay meydadkooda xeebaha Yemen ama ay doontii la degtay. Qaarkood waxaaba dhacda inaynu aragno iyagoo labo labo isugu xiran oo meydad ah. Dadkaasi yaa u ehel ah, miyaanay Soomaali aheyn. Maamulka Puntland arintaas wax makala socdaa. Aaway waxgaradka iyo cuqaashi reer Puntland. Aaway kuwa ku dooda inay yihiin NGO’s u shaqeeya dadka  ama Human Rights activists. Aaway Culimadi reer Puntland. Miyaanay u muuqan sawirada foosha xun ee maalin walba laga daawado Telefishinada adduunka.

 

Wiilashan u dhashay deegaanada Puntland, ee ay naxariistii ka tegtay, dadkana ku eeganaya duruufta, miyaanan loo jeedin falalka foosha xun ee ay ku kacayaan. Dulmigu yar yareysi malaha. Ogow meeshii uu ku bato dulmigu inay ka guureyso naxariista Allaah, ayna dhici karto in leysku halago. Maanta reer Puntland Allaah wuu idiin nimceeyay ee ha iska daadinina fursaddan aad heystaan, iska qabta wiilasha iyo ragga dulmiga wada.

 

Dhowr jeer oo hore ayaan waxaan ka maqlay qolyo ku hadlayey magaca maamulka Puntland oo saxaafadda ku qanciya, dadkan tahriibaya uma dhalan deegaanadeena iyo Maamulka puntland ma jirto dhaqaale uu arintaas wax uga qabto. Runtii arimahaas oo idil waxaan u arkaa sheekooyin iska raqiis ah waayo dadkan ama haka yimaadaan Koonfur ama waqooyi ama gobolada dhexe mar walba waa dad Soomaaliyeed oo usoo barkacay dhul kale oo Soomaaliyeed, oo ma jiro xeer iyo sharci oranaya ma iman karaan Puntland. Midda kale ee ah dhaqaale looma hayo oo wax looga qabto, hadeynaan indhan isa tireen Puntland lacagta kasoo xeroota Canshuuraha ee sida maalaayacniga ah loogu tamashleynayo, looguna takrifalayo haddii 5%, oo qura  la geliyo mashruucyo looga hortagayo Tahriibyada wax weyn bey ka qaban kartaa, laakiin waanan diyaar loo aheyn, oo waxa raali looga yahay in raga wasiirnimada mooday shaati lagu xaragoodo ay siday doonaan ugu tamashleeyaan, oo cid la xisaabtami karta aanay jirin. Laakiin taasi waxey ayaandaro u tahay umadda reer puntland.

 

Sidoo kale waxa iyadana arin in la saxo u baahan ah, in wax walba laga sugo Maamulka meesha ka jira. Anigu fikriyan waxaan qabaa ummadda hadey isu tagaan in ay wax baddan ka qaban karaan Tahriibayaasha, oo waxa keliya ay u baahan tahay waa in leyska saaro xil, oo lala dagaalamo wiilashaa caadeystay inay ku shaqeystaan mashruucaas xaaraanta ah, oo dadka lagu daldalayo. Sidoo kale dadka tahriibaya oo iyaga looga digo khatartaas, loona cadeeyo inay iyaga mas’uul ka yihiin wixi ku dhaca. Sidoo kale dadkaas haloo sahlo, ooh ala siiyo fursad ay dhulka piuntland uga shaqeysan karaan, ooh ala tuso inay dhulka u dhasheen oo aan laga xigin. Dadku intay isu tagaan ha abuurtaan mu’sasaad looga hortagayo Tahriibayaasha, oo mar walba la socda dhaqdhaqaaqyadooda. Anigu waxaan aaminsanahay in wax laga qaban karo haddii diyaar loo yahay, oo maamulka xooga lagu saaro inuu bixiyo kharashaadka baxaya. Haddii laga aamuso dulmigaa faraha ka baxay, ogaada sidi uu Allaah Quraankiisa ku yiri:

{ Immisaanu magaalooyin u nimceynaa, oo Cirka iyo badduba ay wax uga soo degaan, kadibna bilaaba inay nimcadaa ku kibraan, kadibna aynu hallaagnaa }. Waa nimcooyinku lagu kibro markaad kaaga khaldan qaladaadka ku fiirsato oo aad iska dhaadhiciso maaha dad deegaanadeyna u dhashay.

 

Waxaan Hadalkeyga kusoo gabagabeynayaa, war arintaan ha u istaagaan waxgaradka, culumaa’udiinka, aqoonyahanada, oday dhaqmeedyada iyo dhammaan ururada bulshada rayidka ee reer Puntland sidi ay wax uga qaban lahaayeen, oo ay u daba geli lahaayeen dadka ka danbeeya Tahriibayaasha. Weliba si aan arintaas looga caajisin halala garab galo hay’adaha doonayaa inay arimahaas wax ka qabtaan oo hiil iyo hooba halala garab istaago. Runtii arintaasi waa arin adduun iyo aakhiraba dan ay ugu jirto reer Puntland. Sida uu Rasuulkeeni na faray walaalkaa u hiili gar iyo gardaroba, oo gardarada leysugu hiilinayo waa adigoo walaalkaa ka qabta Khaladka uu ku jiro. Mar walba ogow qofka xun haddaadan xumaanta ka qaban isaga ayaa xumaanta ku faraya.

 

Maamulka Puntland waxaan si gaar ah aan kula talinaynaa inay arintaan si toos ah wax uga qabtaan ama ay qandaraas ku siiyaan hay’adaha awooda iyo aqoonta u leh inay wax ka qabtaan ama ay dadka u tababaraan siday barnaamijyadaas uga qeyb qaadan lahaayeen.

 

 

 

Hadalkeygi waa iga intaas oo runti aan aheyn hadal aan cid gaar ah ku maagayo, ee iga ah waano guud. Wixii aan asiibay waxey ka sugnaatay Allaah, wixii aan ku khaldamayna waa naftyeyda iyo sheydaan.

 

 

Cabdixakiim Jaamac Jooje

Tenancy Services Officer

Department Of Housing

Leicester City Council

By:- Abdihakim Jama Joje

Social Development Adviser

Leicester

UK

saicentadv@yahoo.com

webmaster@calayaale.com