Marka
hore mahad idilkeed waxa iskaleh Allaah Subxaanu
watacaala, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeeni
ayey korkiisa ahaatay.
Intaas
kadib qormadan oo aan doonayo inaan diirada ku saaro,
xaaladaha foosha xun ee heysta dadka Soomaaliyeed ee
maalin walba isku dayaya inay u tahriibaan Yeman,
kuwaasoo intooda baddan ka baxa Xeebaha Puntland.
Marka hore waxaan doonaya inaan ka faaloodo dadkan
tahriibaya maxey yihiin, halkey ka yimaadaan, yaa ka
kaxeeya Puntland iyo Cidda laga doonayo inay
arintaas ka hortagto.
Tahriibayaashu waa dad Soomaaliyeed oo kasoo baqoola
dhammaan magaalooyinka Soomaaliya, gaar ahaan
Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo raadinaya inay
badashaan xaalada nololeed ay imminka ku nool yihiin.
Iyagoo aaminsan in ay tegi doonaan meel ka wanaagsan
meeshi ay horey ugu noolaayeen, waana arin la rabo
in dadka loo sheego inay tahay fikrad khaldan.
Dadkaasi intooda baddan waxay ay ka dhoofaan xeebaha
Puntland iyagoo uga sii gudbaya xeebaha Yemen. Waxa
Puntland ka qaada niman isugu jira mulkiilayaasha
doonyaha iyo kuwo dalaaliin ah oo dadkaasi isu soo
ururiya. Dadkaas tahriibayaasha u sahlaya
bixitaankooda idil ahaan waa dad u dhashay Puntland,
gaar ahaan reer Boosaaso ah. Wey dhici kartaa inay
ku jiraan dad faro ku tiris ah oo ka yimid
magaalooyin kale, laakiin waxeynu xukunka saareynaa
dadka baddan meesha ay ka yimaadeen. Waxa dhici
karta inay dadkaasi laga dhoofiyo tuulooyin yar yar
oo uusan maamulku gaarin, laakiin mar walba xukunku
wuxuu ku dhacayaa in ay dadkaasi ka dhoofaan
deegaanada Puntland oo fallaari gil gilasho kaagama
harto.
Dadka u
sahla tahriibayaasha inay ka dhoofaan xeebahaas, oo
runti ah dad arxan daran oo ka tegay heerkii
bani’aadan nimada. Iyaga waxa u daran lacagtooda oo
ma kala jecla dadkan nolol maku gaarayaan halkey u
socdaan, maxaa qabsan doona iyo weliba iyagoon dadka
siineyn wax macluumaad ah oo la xiriirta khatarta
dhoofkooda soo food saari doonta. Qaarkood iyagoon
xeebti la gaarin ayey dadka ku qasbaan inay ka
daataan doonyaha, iyagoo dadka tusaya leyrarka
magaalooyinka ugu soo horeeya Yemen, oo ay dhici
karto inay xeebta u jiraan dhowr boqol oo KM.
Waxa
maalin walba ama todobaadkiiba mar maqalnaa dad aad
u tiro baddan oo laga helay meydadkooda xeebaha
Yemen ama ay doontii la degtay. Qaarkood waxaaba
dhacda inaynu aragno iyagoo labo labo isugu xiran oo
meydad ah. Dadkaasi yaa u ehel ah, miyaanay Soomaali
aheyn. Maamulka Puntland arintaas wax makala socdaa.
Aaway waxgaradka iyo cuqaashi reer Puntland. Aaway
kuwa ku dooda inay yihiin NGO’s u shaqeeya dadka
ama Human Rights activists. Aaway Culimadi reer
Puntland. Miyaanay u muuqan sawirada foosha xun ee
maalin walba laga daawado Telefishinada adduunka.
Wiilashan u dhashay deegaanada Puntland, ee ay
naxariistii ka tegtay, dadkana ku eeganaya duruufta,
miyaanan loo jeedin falalka foosha xun ee ay ku
kacayaan. Dulmigu yar yareysi malaha. Ogow meeshii
uu ku bato dulmigu inay ka guureyso naxariista
Allaah, ayna dhici karto in leysku halago. Maanta
reer Puntland Allaah wuu idiin nimceeyay ee ha iska
daadinina fursaddan aad heystaan, iska qabta
wiilasha iyo ragga dulmiga wada.
Dhowr
jeer oo hore ayaan waxaan ka maqlay qolyo ku
hadlayey magaca maamulka Puntland oo saxaafadda ku
qanciya, dadkan tahriibaya uma dhalan deegaanadeena
iyo Maamulka puntland ma jirto dhaqaale uu arintaas
wax uga qabto. Runtii arimahaas oo idil waxaan u
arkaa sheekooyin iska raqiis ah waayo dadkan ama
haka yimaadaan Koonfur ama waqooyi ama gobolada
dhexe mar walba waa dad Soomaaliyeed oo usoo
barkacay dhul kale oo Soomaaliyeed, oo ma jiro xeer
iyo sharci oranaya ma iman karaan Puntland. Midda
kale ee ah dhaqaale looma hayo oo wax looga qabto,
hadeynaan indhan isa tireen Puntland lacagta kasoo
xeroota Canshuuraha ee sida maalaayacniga ah loogu
tamashleynayo, looguna takrifalayo haddii 5%, oo
qura la geliyo mashruucyo looga hortagayo
Tahriibyada wax weyn bey ka qaban kartaa, laakiin
waanan diyaar loo aheyn, oo waxa raali looga yahay
in raga wasiirnimada mooday shaati lagu xaragoodo ay
siday doonaan ugu tamashleeyaan, oo cid la
xisaabtami karta aanay jirin. Laakiin taasi waxey
ayaandaro u tahay umadda reer puntland.
Sidoo
kale waxa iyadana arin in la saxo u baahan ah, in
wax walba laga sugo Maamulka meesha ka jira. Anigu
fikriyan waxaan qabaa ummadda hadey isu tagaan in ay
wax baddan ka qaban karaan Tahriibayaasha, oo waxa
keliya ay u baahan tahay waa in leyska saaro xil, oo
lala dagaalamo wiilashaa caadeystay inay ku
shaqeystaan mashruucaas xaaraanta ah, oo dadka lagu
daldalayo. Sidoo kale dadka tahriibaya oo iyaga
looga digo khatartaas, loona cadeeyo inay iyaga
mas’uul ka yihiin wixi ku dhaca. Sidoo kale dadkaas
haloo sahlo, ooh ala siiyo fursad ay dhulka
piuntland uga shaqeysan karaan, ooh ala tuso inay
dhulka u dhasheen oo aan laga xigin. Dadku intay isu
tagaan ha abuurtaan mu’sasaad looga hortagayo
Tahriibayaasha, oo mar walba la socda
dhaqdhaqaaqyadooda. Anigu waxaan aaminsanahay in wax
laga qaban karo haddii diyaar loo yahay, oo maamulka
xooga lagu saaro inuu bixiyo kharashaadka baxaya.
Haddii laga aamuso dulmigaa faraha ka baxay, ogaada
sidi uu Allaah Quraankiisa ku yiri:
{
Immisaanu magaalooyin u nimceynaa, oo Cirka iyo
badduba ay wax uga soo degaan, kadibna bilaaba inay
nimcadaa ku kibraan, kadibna aynu hallaagnaa }. Waa
nimcooyinku lagu kibro markaad kaaga khaldan
qaladaadka ku fiirsato oo aad iska dhaadhiciso maaha
dad deegaanadeyna u dhashay.
Waxaan
Hadalkeyga kusoo gabagabeynayaa, war arintaan ha u
istaagaan waxgaradka, culumaa’udiinka,
aqoonyahanada, oday dhaqmeedyada iyo dhammaan
ururada bulshada rayidka ee reer Puntland sidi ay
wax uga qaban lahaayeen, oo ay u daba geli lahaayeen
dadka ka danbeeya Tahriibayaasha. Weliba si aan
arintaas looga caajisin halala garab galo hay’adaha
doonayaa inay arimahaas wax ka qabtaan oo hiil iyo
hooba halala garab istaago. Runtii arintaasi waa
arin adduun iyo aakhiraba dan ay ugu jirto reer
Puntland. Sida uu Rasuulkeeni na faray walaalkaa u
hiili gar iyo gardaroba, oo gardarada leysugu
hiilinayo waa adigoo walaalkaa ka qabta Khaladka uu
ku jiro. Mar walba ogow qofka xun haddaadan xumaanta
ka qaban isaga ayaa xumaanta ku faraya.
Maamulka Puntland waxaan si gaar ah aan kula
talinaynaa inay arintaan si toos ah wax uga qabtaan
ama ay qandaraas ku siiyaan hay’adaha awooda iyo
aqoonta u leh inay wax ka qabtaan ama ay dadka u
tababaraan siday barnaamijyadaas uga qeyb qaadan
lahaayeen.
Hadalkeygi waa iga intaas oo runti aan aheyn hadal
aan cid gaar ah ku maagayo, ee iga ah waano guud.
Wixii aan asiibay waxey ka sugnaatay Allaah, wixii
aan ku khaldamayna waa naftyeyda iyo sheydaan.
Cabdixakiim Jaamac Jooje
Tenancy Services Officer
Department Of Housing
Leicester City Council

By:-
Abdihakim Jama Joje
Social
Development Adviser
Leicester
UK
saicentadv@yahoo.com