Askarta Puntland ma waxey noqdeen looma ooyaan?
Farriin ku socota maamulka iyo dadweynaha reer
Puntland
Marka hore mahad idilkeed waxa iska leh Allaah,
naxariis iyo nabadgelyana rasuulkeenii ayeey
korkiisa ahaatay. Kadib akhristayaasha sharafta
lahow iga gudooma salaanta qiimaha baddan ee
Islaamka (A.C.W).
Intaas kadib muddo haatan laga joogo labo sano
waxeynu ka aqrinaynay boggaga wax lagu soo qoro ee
Soomaalida, in saddex muwaadin oo u dhashay Puntland
kana mid ahaa askarta daraawiishta laga qabsaday
xeebaha puntland, loona kaxeystaya dalkaas
Thailand, ayna illaa iyo hadda ku xiran yihiin
xabsiyada Thailand. Haddaba waxa isweydiin leh,
maamulka cadde Muuse Miyuusan arintaas ka warqabin,
mise dan kama laha, mise waan waan ayaa u socota
mise wararka ay qorayaan Boggaga Soomaalida ayaan
waxba ka jirin. Su’aalahaas ayaa wanaagsanaan laheyd
in laga soo jawaabo.
Askartan oo sida la sheegayo ka mid ahaan jiray
ciidamada ilaaliya Xeebaha Puntland, ayaanan maqal
cid warkooda ku jirta ama xil iska saareysa, taasoo
ku tuseysa in aanan dan laga laheyn muwaadinka
Soomaaliyeed ee u kacay inuu difaaco ciidiisa, haba
ugu daraadeen kuwa isku sheegaya maamulka Puntland.
Waxaan maqli jiray Askariga Soomaaliyeed qiimihiisu
waa intuu dhaqdhaqaaaqayo, oo hadduu mar dhaawacmo
ama dhinto ma jiraan cid danboo isweydiinaysaa. Way
dhici jirtay waagii ay jirtay dowlad dhexe oo xoog
leh, in waxoogaa uu qadarin iska lahaa Askariga
Soomaaliyeed, laakiin maanta ma jirto cid u doodeysa.
Dunidan aynu ku noolnahay, gaar ahaan waddamadan
reer galbeedka, iska daa Askari ama shaqsi ay howl u
dirsadeen, xitaa kuwooda iska dalxiisaya, oo laga
yaabee inay danbiyo ka galaan waddamada ay u
dalxiiska tageen, haddii la xiro, ma maleyn kartid
guuxa iyo qeylada is qabsaneysa, taasoo lagu qasbayo
waddanki, xirtay inuu kusoo daayo 24 saacadood
gudahooda. Taas waxa kaaga cad in shaqsigaa u
dhashay waddamada kale in laga sareysiisyay cid
walba, halka kan Soomaaliga ah uu noqday looma
ooyaan. Haddii wiilashan laga qabsan lahaa waddamo
kale ama meel uusan maamulku shaqo ku laheyn,
waxeynu oran laheyn waxey la mid yihiin Soomaalidaa
kale ee daafaha adduunyada isaga baab’aya. Laakiin
deegaankaagi halaga kaxeysto, hana ka hadlin runtii
wax ay dhegaha caafimaadka qaba ay maqli karaan
maaha.
Wey dhici kartaa in uu maamulku xiriiro la sameeyo
dowladda Thailand oo laxiriirta arimaha wiilashan,
laakiin aynaan annagu ka warqabin. Haddii ay taasi
jirto waxeynu idiin leenahay naga raali ahaada,
laakiin naga soo qanciya oo nala soo socodsiiya
halka xaal uu marayo. Haddii ayan jirin wax xiriir
ah oo lala sameeyay, waxaan si naxariis leh uga
codsaneynaa Maamulka Puntland, oo uu garwadeenka ka
yahay Madaxweyne Cadde Muuse in arintaasi guddi gaar
ah loo saaro, oo la xiriira dowladda Thailand.
Runtii maaha arin indhaha laga qabsan karo, maaha
arin uu shaqsi damiir leh iska indho tiri karo,
maaha wax qalbiga uu jecleysayao. Weliba sida lagu
soo waramayo ragga mid ka mid ah waa dhaawac culus,
oo xabsiga ayaa lagu jir dilay, mid kale maskaxiyan
ayuu u xanuunsaday.
War aaway hay’adihi isku magacaabi jiray Xuquuqul
insaan ee ka jiray Puntland, aaway wax garadkii
aaway aqoonayahnadii, aaway eheladiii wiilashan,
aaway cuqaashi, isimadii, iyo in alla inta damiirku
u ehelka aheyd ee ku nool puntland. War arintaan
yaan la yareysan, runtii waa arin sumcad xun ka
tegeysa.
Waxaan qoraalkeyga kusoo afjarayaa arintaan si
wadajir ah haloogu istaago, oo maamulka puntland
halagu saaro cadaadis sidii uu arintan wax uga qaban
lahaa. Haddii arintan ay tahay mid aan wax ka jirin,
iyadana halasoo cadeeyo si loola xisaabtamo boggaga
warkan meesha ay ka keeneen. Arintan waxaan leeyahay
haloo guntado oo wiilasheen arxan darada ku heysata
Thailand halaga soo furdaamiyo. Wiilashana waxaan
leeyahay sabra, oo Allaha ayaa Faraj kheyr leh
idiin furi doona Inshaa’Allaah.
Qalinkii
Cabdixakiim Jaamac Jooje.

By:-
Abdihakim Jama Joje
Social
Development Adviser
Leicester
UK
saicentadv@yahoo.com