Sidee wax looga qaban karaa Maxaabiista had iyo Jeer lagala Baxo Xabsiyada Puntland

By:

      Qorre-By:- Abdihakim Jama Joje Social Development Adviser
          saicentadv@yahoo.com  Leicester UK 05/03/2007
Ra'yi
 Mar 05/ 2007

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeeni ayey korkiisa ahaatay.

 

Run ahaantii marka uu shil ama dhacdo ay soo korodho, layaab malaha sababta ay waxaasi u dhaceen, ee waxa muhiim ah in leys weydiiyo sidaa dhacdadaa loo xaliyey. Arimaha noocan oo kale ee ah xabsiyada lagala baxo maxaabiista, waa wax ka dhaca xitaa dunidan hormartay, laakiin markiiba waxbaa laga qabtaa, oo waxaad arkeysaa tallaabada deg degga ah ee markiiba la qaadayo iyo cawaaqib xumada ay helayaan dadka falkaa geystay.

 

Puntland, oo ah maamul goboleed la asaasay  kadib markii ay nagu daba dheeraatay dowlad la’aanta saameysay dhammaan dalki oo dhan, oona runti la oran karo waxey aheyd tallaabo ku dayasho mudan, ayaa haddana waxaad moodaa in falal ay dowladdu wax ka qaban karto oo iska basiid ah, ineeyan usoo jeedin. Markaad eegto arimo uu Maamulku yareysanayo ayaa ah kuwo aad iyo aad muhiim u ah, oo la’aantood runtii ay adag tahay in uu maamulku shaqeeyo. Haddii la oran lahaa Xabsiga la jabsaday wuxuu ku yiilay magaalo aad uga fog halka uu maamulku degan yahay, waa loo garaabi lahaa oo waxaanu oran laheyn waxa ugu wacan dhaqaale xumo ama askar yaraan, laakiin halkii uu maamulu deganaa in ay ka dhacaan labo dhacdo, oo midba midka kale ka daran, runti waa wax aad iyo aad looga naxo.

 

Dhacdooyinkan hadda ka dhacay xabsiga Garoowe ayaa waxaad moodaa in qoloba qolada kale ay eeda dusha ka saareyso. Nin Mas’uul ah oo Maamulka Puntland u hadlay wuxuu eeda dusha ka saaray Askarta Puntland, qaar kaloo baddan waxey dush ka saareen inay ugu wacan tahay  magaalada Garoowe reerka degan, kuwo kale waxey eeda saareen inay ugu wacan tahay maamul xumada heysata Maamulka Puntland. Haddaba isku soo wada duuboo, runti wax walboo lagu sheego sababta, waxaan oran lahaa inay ka muhiimsan tahay in leys weydiiyo maxey hadda dantu ku jirtaa.

 

Si arimahaa foosha xun ee soo noq noqday wax looga qabto ayaan anigu waxaan oran lahaa, anigoo cabbiraya fikirkeygan iska yar, inay muhiim tahay in la qaado tallaabooyinkan soo socda: -

 

1-     In Danbiilayaasha lageeyo xabsi ka fog halka ay danbiga ku galeen, gaar ahaan la geeyo magaalo kale ayan horey u arag, si looga gudbo dhacdooyinka noocan oo kale ah.

2-     In Askarta ilaalisa xabsiyada lookala badalo, askari walba magaaladuu kasoo shaqo tegay mooyee mid kale.

3-     In askarta xabsiyada leysku dhafo oo xabsina ayan reer gaar ah gacanta ku heyn.

4-     In Maamulka Puntland uu xil gaar ah iska saaro, sidi loo dhaqaaleyn lahaa askarta ilaalisa xabsiyada, waayo waxey hayaan shaqo aan marna caadi aheyn, oo mar walba Mushaarkooda la ilaaliyo, si aanay u qaadan laalaab kale.

5-     In haddii ay suurto gal tahay xabsiyada halka laga dhisayo laga fogeeyo magaalada bartamaheeda ama Goobaha ay dadku ku baddan yihiin, oo laga dhisaa meel aad uga fog magaaladaa.

6-     In dhacdo waliba sida loo maareeyo, looga mahadceliyaa, loogu abaalgudaa ama lagu dalacsiiyaa askarta, si askari weliba uu u raadsado darajadaa.

7-     Sidoo kale askarigii ay ku cadaato inuu xiriir la yeeshay dadka falalkaa geysta isagana laga qaadaa tallaabo uusan marna kasoo kaban karin.

8-     In qaabka booqashada Xabsiyada ee dadweynaha caadiga ah wax laga badalaa, oo la adkeeyaa, si ay fowdada leysugu soo gabanayo ay u yaraato.

 

Runtii arimahan aan kor kusoo sheegay iyo arimo kaloo ka muhiimsanba waxaan qabaa haddii la dhaqan geliyo in wax baddan laga gudbayo. Maamulka Puntland waxaa ugu nasteexeyn lahaa in ay ku cibro qaataan, dhacdo walba oo soo marta, oo ay uga fakeraan ineeyan mar kale kusoo noqon. Taariikhda faa’iidada kaliya ay leedahay waa in cashar ahaan looga faa’ideysto waxyaalihii hore ee dhacay, si ayan adigu kuugu gaban. Laakiin haddii maalin walba waxa dhacay aanan dheg jalaq loo siineyn dhibkeeday leedahay, waana wax maamulka ku soo noqonaya.

 

Waxaan hadalkeyga kusoo afjarayaa in dadweynaha reer Puntland meel walboo ay joogaan ay iska ilaaliyaan khaladaadka had iyo jeer ay galayaan wax magaratada, oo qofka xun tol malaha ee si wadjir ah leysaga qabtaa. Haddaanan maanta laga gudbin waxyaalaha yar yar  ( Minor Cases ) ka ah, ogaada wax baddan buu dib u dhac nagu imaanayaa. Haleyska daayo eedeynta leysku eedeynayo wax aynaan ogeyn cidda ka danbeeysa, ee aynu ka fakarno sidee leysaga ilaaliyaa in waxaasi ay dib noogu soo noqdaan.

 

Maamulka Puntland waxaan mar kale ku adkeynayaa, in wax walba loo huro sidi loo adkeyn lahaa nabadgelyada Puntland, oo dhaqaalaha Puntland ee maalaayacniga ku baxaya, waxaa ka haboon in lageliyo Amniga. Meel aan nabad laheyn runti nolol kama jirto.

 

Arimaha qaar way dhici kartaa inaan dhaqaale loo heyn, laakiin haddana mar walba waxaa leysku dayaa sidii dhaqaale loogu raadin lahaa arimaha muhiimka ah ee ay ku xiran tahay nolosha dadka reer Puntland. Dhaqaale raadintu meel walbey ka iman kartaa, ee waxaa loo baahan yahay in loo kaco uun, oo laga run sheego.

Wabilaahi Towfiiq

By:- Abdihakim Jama Joje

Social Development Adviser

Leicester

UK

saicentadv@yahoo.com

webmaster@calayaale.com

 

_________________________________________________________