Ilaali Sumcadda iyo Sharafta Soomaaliyeed
Marka hore mahad idilkeed waxa iskaleh Allaah
subxaanu watacaalaaa, Allaha koonkan iskaleh, ee aan
cid kale oo aan isaga aheyn oo xaq lagu caabudaa
aysan jirin. Naxariis iyo nabadgelyana rasuulkeenii
ayey korkiisa ahaatay.
Soomaalidu meel walboo ay joogaanba, waxaa ay aad
iyo aad ugu dadaali jireen sidii ay u ilaalin
lahaayeen magaca iyo sumcadda Soomaalida, oo waagii
hore waxaa soo bixi jiray Soomaali aragtidoodu
sareyso oo mar walba la baratama bulshooyinka ay la
joogaan ama la nool yihiin. Waxaan arki jirnay dadka
qaarkood oo markey maqlaan qof Soomaali ah baa meel
hebla ku dhiban, oo isxilqaama oo isku dayi jiray
siday qofkaas dhibaatada ama ula qeybsan lahaayeen
ama ugaba saari lahaayeen. Xitaa waxaa dhici jirtay
Soomaalida qaarkood si ay u ilaaliyaan karaamada
Soomaalida haddii ay maqlaan qof Soomaali ah baa
lacag dhacay ama Dukaan hebla lacag kala tegay, in
kuwa markaas meesha jooga inay bixiyaan lacagtaas.
Dadkaas aan kor kusoo sheegnay waxaa la weynaa
qiimaha uu xambaarsan yahay magaca Soomaaliga, oo
waxey isku dayi jireen in ay bulshooyinka ay la nool
yihiin ka dhaadhiciyaan Sharafta ummadda
Soomaaliyeed. Heer waxaa la gaaray bulshooyinka
qaarkood inay naga codsan jireen inay luqada
Soomaaliga ah bartaan, waayo waxey arki jireen
Soomaalida oo aad iyo aad u qiimeyn jirtay luqadooda
oo inay dan ku qasabto mooyee aanan jecleen inay
luqad kale ku hadlaan. Qofka Soomaaliga wuxuu u ahaa
qofka kale sida qof la dhashay oo kale ama aan waxba
ka sokeyn walaalihiis. Micno uma sameyn jirin halka
uu Soomaaliya ka yimid.
Nasiib darro waxa hadda aad iyo aad noogu soo batay
dad fara baddan oo aan u aabo yeeleyn sumcad, sharaf
iyo soomaalinimoba. Waxa ay arkaan wey dhacayaan,
been bay meel walba ku marayaan, isdaba marin,
turuufo, qiyaano. Waxa intaas ka daran inay dhacaan
bulshooyinka muslimiinta ah ee nala nool, iyagoo
intay u yimaadaan qaab muslimnimo wax u weydiisanaya
marka laga naxo oo la amaahiyo hadba alaabtii uu ka
rabay, xitaa badalanaya cinwaankii uu horey ugu
sheegtay. Waxaa iigu yaab badneyd inaan arkay nin
Hindida muslinka ah ah, oo ka sheekeynayey Soomaali
dhacday, ayaan ku iri ninyahaow waad ku been
abuuraneysaa oo wax caqli gal ah maaha. Markaan
intaas iri ayuu igu yiri I sug oo uu iisoo qaaday
buug ay ku qoran yihiin dad aad u tiro baddan oo
kan ugu yar uu kala tagay lacag £ 100/- kor u
dhaaftay.
Waxa taas kasii daran dhaqankeenii suubanaa oo meel
cidla ah looga dhaqaaqay, waxaad arkeysaa waxyaalo
baddan oo dhaqankeenii ceeb ku ahaa oo imminka la
caadeystay, sida balwadaha oo meelaha dadku isugu
yimaado si bareer ah loola soo fadhiisto,
caruuraheenii oo ku socda dariiq khaldan, dagaalo
joogto ah, qabyaalad meel ay u socoto aan la
garaneyn, mushkiladaha ka dhex taagan caa’iladaha oo
sii kordhaya. Caruuraheenii oo ku badanaya xabsiyada
oo cid ka daba tagtaa aysan jirin.
Maalin maalmaha ka mid ah anigoo ku guda jira shaqo
turjubaanimo ah oo aan mar mar ku shaqeyn jiray,
ayaa waxaa leygaaga yeeray meel Hostel ah oo
Soomaali baddan ay ku jireen. Gabar Nayjeeriyaan ah
oo markaa meesha ka shaqeyn jirtay ayaa si gaar ah
ii wareysatay oo I weydiisay waxyaalo baddan oo aad
u foolxun oo ay ku kacaan Soomaalida halkaa ku
jirtay ugana dhigay in uu yahay wax dhaqankeena ka
mid ah. Ma doonayo inaan sii guda galo ee waxaan ka
xusayaa keliya arin la xiriirtay nadaafadda Suuliga,
oo markey dhoor jeer kala hadashay ay ku yiraahdeen
annaga Dumarka ayaa noo nadiifiya, oo raggu waxaas
inay qabtaan waa ku ceeb, adiga waa inaad noo
nadiifisaa. Gabadha ay sidaa leeyihiin waa naagta
labaad ee meesha ninka heysta ku xigta.
Haddaba qofka Soomaaliga ah ee qurbaha jooga waxaan
si walaaltinimo leh ugula talinayaa in uu mar walba
ilaaliyo magaca iyo Sumcadda Soomaalida, oo uu ka
dhiidhiyo dadka wax magaratada ah ee gubaya kaarka
Soomaalinimada. Ogow meel walboo aad joogto waxaad
tahay safiir matalaya Soomaalida. Ogow mar walba
sida laguu arko ayaa laguu tix gelinayaa.
Soomaaliyeey qofka xun waxa haboon in leyska qabto.
War qof xumaan u bareeray adna wax kuu tari maayo
ummadda kalena waad isku seegeysasan. Soomaalieyeey
si wadajir ah haloogu istaagi difaaci magaca iyo
haybadda ay Soomaali laheyd.
Waan qirayaa inaynu nahay ummad soo barakacday oo uu
dhib baddan heysto, laakiin horey ayey Soomaalidu u
tiri : -
{ Haddii aad dhimaneyso dhareerka waa leyska
duwaa } , ee yeeynaan dhulka isdhigin. Waxa
iyadana wax lala yaabo ah Soomaali baddan oo markey
arkeen dhibaatada dadka Soomaalida ay waddaan ku
oranaya war anigu waa hore ayaan Soomaali iska soo
dhiibay, oo wax Soomaali la dhaho ma aaminsani,
Waxaan leeyahay dadka noocaas ah wey khaldan yihiin,
oo Soomaalinimada inaad uga baxdo dad yar oo
maangaab ah, wax la qaadan karo maaha.
Soomaaliyeey ogaada qof xun cid walbuu ku jiraa, oo
qolo si gaar ah loo siiyay xumaanta malaha, sidoo
kale qolo la yiri wey wada wanaagsan yihiina ma
jiraan. Anigu shaqsiyan waxaan aaminsahaya inta
wanaagsanna inay isku qolo yihiin, inta xunna ay
isku qolo yihiin, oo waxaan leeyahay war inta
wanaagsan ayaa badanee war ha is raadsadaan, oo ha
difaacaan karaamada iyo Sharafta uu magacii
soomaaliyeed lahaan jiray.
Soomaaliyeey meel walboo aad joogtaan muujiya
wanaaga ay Soomaali leedahay, oo ha u ogolaan
shaqsigaa liita inuu magacaaaga meel uga dhaco.
Waxaan kula dardaarmayaa Soomaali meel ay joogaanba
rag iyo dumarba, caruur iyo waayeelba inay iska
qabtaan Shaqsiyaadka dilaya magaceena, oo yeeynaan
fursad siin dadka bahdilaya qiimaha Soomaalinimada.
Wabilaahi Towfiiq

By:-
Abdihakim Jama Joje
Social
Development Adviser
Leicester
UK
saicentadv@yahoo.com