Maxaa ka jira cambaareynta loo soo jeediyay Teleefishinka Universal ?

By:

      Qorre-By:- Abdihakim Jama Joje Social Development Adviser
          saicentadv@yahoo.com  Leicester UK 18/01/2008
Ra'yi
 January18/2008

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay.

 

Taleefishinka Universal oo runtii ah, idaacadda keliya ee leyska daawado, oo ku hadasha luqada Soomaaliga ee laga daawado dhammaan dacalada dunida, ayaa waxaynu oran karnaa waa idaacad ay aad iyo aad uga maqsuudeen, dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha adduunka., kuwaasoo ka daawada mar walba Arimaha muhiimka ah ee dalkooda ka dhacaya. Idaacaddan wararka ay soo tabiso runtii qof walba si bay ula muuqataa, taasoo badanaa ku dhisan cabbiraada iyo qaab fikradeedka Soomaalida. Guud ahaan marka wax la qiimeynayo waxaa la fiiriyaa, hadba waxaasi inta uu faa’iido ama khasaare uu bulshada u leeyahay. Haddaba ma diidayo in idaacaddan marka la eego siyaasadda Soomaaliya in laga fahmo in ay dhinac u janjeerto, oo mar walba ay dhinac u xagliso. Laakiin muhiimadeeda kale, oo ay u leedahay bulshada Qurbo ku noolka ah ayaa ka baddan dhaliilahaas loo soo jeedinayo.

 

Haddaba waxaan fiirsaday barnaamij laga soo duubay, nin sheeganaya inuu yahay wakiil matalaya Asmara group, oo uga digaya bulshada in la daawado. Wax lagu xayeeysiisto, idaacadda universal, isagoo ku eedeynaya inay yihiin idaacad u shaqeeysa cadowga Tigreeyga. Waxa iswseydiin leh, siyaasigaa goormuu saxan yahay, waa isagii ku doodi jiray Universal inay tahay idaacad waddani ah, oo u adeegta danaha bulshada Soomaaliyeed, mise warkiisu waa haddaad fikirkeyga raacdana waxaad tahay waddani, haddii aad iga hortimaadana waxaad tahay nin u adeega danaha cadowga.

 

Anigu ma daafacayo qolo gaar ah, oo waan kasoo horjeeda waxa ku dhacaya dalkeyga iyo dadkeygaba. Waan kasoo horjeeda qaabka ay ku shaqeyneyso dowladda federaalka. Sidoo kale waan kasoo horjeeda dadka diidan inay soo noqoto dowlad Soomaaliyeed. Waxaan mar walba ayidayaa Soomaali oo isugu timaadaa miis, kana tashata aayaheed iyadoo mid ah, ayna u kala dab qaadeyn dowlado shisheeye.

 

Idaacadda universal waxaan si gaar ah, ugula talinayaa in ay mar walba dhex dhexaad ka noqoto Arimaha Soomaaliya, oo ay isku daydo sidii loo soo celin lahaa midnimadi iyo sharafti ay Soomaali laheyd. Waqtigan xaadirka ahna ayan dhinacna u janjeersan labada group ee isku haya siyaasadda waddanka { Baydhabo Group Against Asmara Group }. Siyaasaddu waa sida hawada oo kale oo mar walba dhinac u socota, ee intaad dhinac u leexan laheydeen, ka shaqeeyo sidi leysugu soo dhaweyn lahaa Soomaali, meel walboo ay joogto.

 

Waxaan kaloo halkan aan fariin ugu gudbinayaa dadka oranaya idaacadda universal waa idaacad tayadeed hooseysa ama la bar bar dhigaya idaacado soo jiray qarniyo, waxaana leeyahay ( Rome was not build in a day ), oo kolba heer baa la marayaa. Waxaana aaminsanay Universal marka lagu qiimeeyo inta ay jirtay, inay tahay idaacad sameeysay horumar. Kaliya waxaan kula talinayaa inay Time- Table barnaamijyada ah oo ku dhisan todobaadle sameeyaan, si loola sii socdo waxa ay todobaadkaas  soo deynayaan.

 

Waxaan Hadalkeyga kusoo gabagabeynayaa Soomaaliyeey aynu isbarno inaynu mar walba si cadaalad ku dhisan aynu wax u qiimeyno, oo isk deyno caadifaddan meel ay na geyneyso aysan jirin. Adduunkan wax laguma dhiso jaceyl iyo naceyb, ee wax walba siduu yahaa loo qiimeeyaa. Nin fulaan maanta danaheena ayaa isku xiran, waa nin waddani ah, berito waan kala boodnay, waa camiil cadowga ah. Arintaas iyo wax la mid ah weeye waxa haatan Soomaaliya ka taagan, oo Allaah ayaan ka baryayaa inuu Soomaali meel ay joogaanba towfiiqda waafajiyo, oo noqda kuwo soo ceshada sharaftoodii iyo midnimadoodii.

 

Wabilaahi Towfiiq

Cabdixakiim Jaamac Jooje.

webmaster@calayaale.com

 

_________________________________________________________