Marka
hore waxaa mahad idilkeed iska leh Allaah, naxariis
iyo nabadgelyana rasuulkeeni ayey korkiisa ahaatay.
Intaa
kadib, waxaa la yaab leh, waxa ummad ay hormartay,
oo magaalooyin baddan ay aasaasmeen, oo kuwo hore,
horay ay u mareen, halka ay ku danbeysay magaaladii
Qandala, oo horey loo oran jiray Gacankii Hodanka.
Qandala waxaa soo maray waqti ay taariikhda xusto,
oo runtii ay aheyd xarumaha ganacsiga Soomaaliya
kuwooda ugu horeeya. Waxey soo martay waqti uu qof
walboo taga deegaanada Puntland uu ka warbixiyo.
Qandala waxaa ay aheyd magaalada kaliya uu ka socdo
ganacsi aad iyo aad u baaxad weyn oo isku xiri jiray
min waqooyi illaa iyo koonfur. Waxa ay laheyd
ganacsi ku xiran Qaliijka oo aad iyo aad u hormarsan.
Waxaa kaloo magaalada ka dhisnaa Warshaddi Kalluunka
Qandala, oo meel walboo aad tagto lagu arki jiray
kalluunka gasacadeysan ee ay soo saari jirtay. Nasiib
darro Qandala waayahan kama muuqan saaxada, ee maxey
tahay sababtu?
- Runtii
markaan sameeay baaritaan qoto dheer, waxa ii soo
baxay waxyaalaha magaalada la haray inay ugu wacan
yihiin arimaha soo socda:-
- Waagi
la oran jiray magaaladan gacanki Hodanka, dhaqaalaha
kaoo baxa wuxuu ku mari jiray qaab Transit, oo lama
gelin jirin magaaladan.
- Dadka
u dhashay magaalada, oo waagaa ka ganacsan jiray oo
xitaa qaarkood ayan guryo ku lahweyn, halka ay guryo
waaweyn ka dhisan jireen magaalooyinka waaweyn, sida
Muqdisho oo kale.
-
Magaaladan oon weligeed aanan yeelan wax ka sareeya
dugsi dhexe, oo maamuladii hore ee jiray oo idil ay
ka seexdeen wax ka qabashadeeda.
-
Adeegyo caafimaad iskaba daa warkooda.
-
Magaalada oo aan laheyn waddo laami ah oo aada,
taasoo caqabad ku ah isusocodka ganacsiga iyo
dadkaba.
-
Magaaladoon weligeed yeelan maamul u daacad ah, oo
daneeya horumarkeeda.
- Dadka
u dhashay deegaanka oo aad moodo inaanay diyaar u
aheyn horumarinta adeegyada magaalada.
Runti
marka laga sheekeeyo dhaqaalaha magaalada soo galay
sandihi Sideetamaadyadi iyo sida xitaa 5% ka
mid ah aanan magaalada loo gelin, waa waxa qalbigu
uu ka ooyo, oo indhahana ka ilmeysiisa. Mar marka
qaarna waxaad isleedahay aaway magaladan dadki u
dhashay, oo runti markaad eegto magaalooyinka kale
ka dhex muuqda, oo qaarkoodna ayba ahaayeen raggi
hormuudka u ahaa ganacsida iyo maaaliyadda
Soomaaliya.
Qandala
oo ka mid aheyd Degmooyinkii ugu horeeay Soomaaliya,
laga asaaso, oo xitaa xiligii Dowladii Rayidka,
laheyd rag kasoo gala doorashooyinka, ayaa manta
iska daa inay la tartanto degmooyinkii la filka ahaa
ee gobolkaa Bari, xitaa waxaa ka horeeya Tuulooyin
yar yar oo hadda isu sharaxaya inay qaataan magaca
Degmo. Micnuhu maaha inaanay Qandala laheyn awood
ay kusoo baxdo, ee waa diyaar aanay dadkeedu u aheyn.
Warar lagu kalsoon yahay oo aanu magaalda ka helnay
xilli dhow innagoo daneynayna in aynu isku dayno
inaan magaalada wax u qabano, oo ka qeybqaadano wixi
suurto gal ah, ayaa nin ka mid ah Mas’uuliyiinta u
dhashay magaalada, oo markaa ku sugnaa Boosaaso,
ayaa wuxuu nagu yiri, Qandala, dhaqaale ku filan wuu
yaal, ee waxaanan jirin maamul si wanaagsan u
maareeya. Haddaba magaaladan oo ah magaalo uu Allaah
ku maneystay Nimcooyin fara baddan, leh xeeb dheer
oo ku wanagsan Kalluumaysiga iyo ganacsiga, sidoo
kale leh kheyraad dabiici ah, ayaa waxaa ayaan daro
ah inay ka hormarayaan magaalooyin u baahan in la
kabo, halka Qandala ay iyadu inta iskabto,
magaalooyhin kalena kabi karto.
Maalin
dhaweyd waxaa nagu maqaal ah in loo magacaabay
Gudoomiye Cusub, oo uu magacaabay Madaxweyne
Cadde Muuse. Waxaan leeyahay Gudoomiyaha Cusub
bal weynu arki doonaa waxa uu ku soo kordhiyo
magaalada iyo sida uu uga qeyb qaato tartanka
magaalooyinka Puntland. Runti haddii uu badiyo la
tashiga dadka ehelka u ah wanaaga, ee la doonaya
horumarka magaalada waxaa uu qaban karaa wax baddan.
Ha isku dayo inuu xiriir la sameeyo Qurbo Joogta u
dhashay deegaanka ee daneynaya horumarka Qandala.
Sidoo
kale waxa wax lagu farxo ah dhismaha waddada
Boosaaso iyo Qandala oo uu maalin dhaweyd carrabka
ku dhuftay Madaxweyne Cadde, waa haddii laga
dhabeynayo. Runti waa horumar kusoo siyaaday
Puntland haddii waddooyin la geeyo magaalooyinka ku
yaala Bariga fog sida Caluula, Baargaal, Qandal,
Iskushuban, Xaafuun, Beyla iyo kuwa kaloo dhan. Waxa
ay noqon doontaa arin dhaxalgal ah oo Taariikhda
Baal dahab ah u gelisa Maamulka Cadde Muuse, haddii
riyadaa laga dhabeeyo. Run ahaanti waxaa wanaagsan
in laga mahadceliyo wax walboo guul ah oo uu
maamulku sameeyo, ee maaha in mar walba xumaantooda
uun la faafiyo
Waxaan
qormadeyda kusoo gabagabeynayaa Bulshada reer
Qandala iyo Qurbo ku noolka reer Qandalaba inta
laysu tago oo la taageero maamulka cusub, haloo
istaago horumarka magaalada, oo Qandala waa in wax
laga qabtaa arimaha waxbarashada, caafimaadka,
isgaarsiinta, korontada, biyaha iyo dhammaan
adeegyada muhiimka ah, si ay ula jaanqaado
magaalooyinka kale ee Puntland ama Soomaaliya.
Qandala waxa u nasab sheegta maanta Ganacsatada
Soomaaliya oo dhan kuwooda ugu tunka weyn, ee waxaan
ku talinayaa war hooy fursada maanta jirta halooga
faa’ideeyo magaalada..
Sidoo
kale waxyaalaha hormariya magaalooyinka waa iyadoo
la siiyo fursad inay kusoo degaan ama maalgashadaan
bulshooyinka kale ee reer Puntland ama Soomaalida
kale ee ka yimid Koonfurta Soomaaliya, si ay
magaaladu u noqoto ( Multicultural City ) sida hadda
ay Boosaaso iyo Gaalkacayo noqdeen. U ogolaada
magaalada inay degaan, ka shaqeystaan, maalgashadaan
bulshooyinka kal. Intaas waa iga talo. Ogaada weli
ma dhicin magaalo hal reer kaliya ay degan yihiin oo
horumar wanaagsan sameysay. Sida arintaas loo gaari
karo, waanu kasoo talo bixin doonaa haddii loo
baahdo.
Sidoo
kale Qurbo ku noolka reer Qandala waxaan kula
talinayaa inay magaaladoodii dib usoo eegaan oo ay
isku dayaan inay wax ka qabtaa adeegyo baddan oo
Muhiim ah, oo Allaah ka soke ay iyagu wax ka qaban
karaan sida dayactirka iskuulada, asaasisda rugo
waxbarasho, rugo caafimaad, tababaridda macalimiin
ciyaalka wax bara iyo waxyaalo kaloo fara baddan.
Ujeedada
qormadeyda aan ka leeyahay waa iga baraarujin iyo
bal in fadhiga laga kaco, ee maaha mid aan dan kale
ka leeyahay, haddii aan wax saxa ah sheegay waxey ka
sugnaatay Allaah, haddii aan wax khalad ah qorayna
waa nafteyda iyo sheydaan.
Wabillaahi Towfiiq

By:-
Abdihakim Jama Joje
Social
Development Adviser
Leicester
UK
saicentadv@yahoo.com