Waxaa mahad idilkeed iska leh Allaah, naxariis iyo
nabadgelyana Rasuulkeenii ayey korkiisa ahaatay.
Taariikhdu sideedaba waa dhacdooyin la ururiyay, si
looga faa’ideysto Mustaqbalka hadba wixi ay faa’iido
iyo khasaaraba laheyd. Waxaa mar walba laga
ilaaliyaa in laga been sheego ama qof walba uu sida
uu jecel yahay uga qisoodo. Tusaale ahaan
Quraankeena kariimka ah, waxaa looga sheekeeyay
qisooyin aad iyo aad u tiro baddan, oo uu Allaah uga
digayo dadka, waxa ay faleen dadkii hore iyo sidi
looga Abaal mariyay. Waa dhacdooyin nalagu tusayey
waddada wanaagsan iyo midda xun ba. Sidaa si la mid
ah Siirada nabiga iyo tii saxaabadaba waxaa laga
qaataa faa’iidooyin aad iyo aad u ballaaran oo illaa
abid la isticmaali doono.
Dunidan aynu ku nool nahay gaar ahaan reer Yurub iyo
Ameerika, waxey had iyo jeer kasoo sheekeeyaan hadba
wixi ay dhibaato soo mareen ama hadba wixii ay
dadkoodu kusoo kordhiyeen noloshooda, iyagoo mar
walba isku dayaya inay xogta ka qaataan dad leysku
haleyn karo lana og yahay inay runta ka sheegayaan,
amaba waa la qori jiray. Had iyo jeer waxey ka
diyaariyaan aflaan documentary ah ama buugaag faro
baddan ayaa laga qoraa, iyagoo lagu keydiyo
maktabadahooda waaweyn iyo Archiveyadoodaba.
Haddaba annaga Soomaali ah, halkee ayey ku luntay
taariikhdeenii? Ma waxaanu oran karnaa taariikh ma
laheyn mise lama qorin, mise waala marin habaabiyey?.
Waxaan shaki ku jirin inay Soomaalidu leedahay
taariikh qoto dheer oo ku saleysan qaabkii aynu ula
soo tacaalnay xadaaradihi uu dunidan soo maray iyo
weliba sidi aynu isaga hornimi gumeystayaashi
waddankeena kala qeybsaday iyo kuwii soo gumeystay.
Waxeynu leenahay halyeeyo taariikhda baal dahab ah
ka galay, sidoo kale waxeynu leenahay kuwo
taariikhda baal mugdi ah kaga jira, kuwaasoo lagu
saleeyay siday ula soo shaqeysteen gumeystihi ama
danbiyadii ay waddanka kasoo galeen.
Nasiib darro cudurka dilaaga ah ee Soomaali meel
walboo ay dunidan ka joogto kala geeyay, oo
mustaqbalkeedii baabi’iyay, ee asaageen naga reebay,
kaasoo ah Qabiilka sida foosha xun loo isticmaalo,
ayaa waxa uu dhaliyay in si caddaan ah taariikhda
Soomaaliya loogu been abuurto, oo qof walba isagoo
ku xumeynaya reer hebel siduu doonayo u qoray
taariikhda Soomaaliya. Tusaale waxeynu u soo qaadan
karnaa Halyeey/ Halgame Sayid Maxamed Cabdulle
Xassan, oo dagaal xornimodoon ah oo muddo dheer
socday kala hortagay Gumeystayaasha Ingiriiska,
talyaaniga iyo Xabashida, oo maktabadaha dunida ee
aad tagtoba taariikhdiisa lagu keydiyay, ayaa
haddana Soomaalida waxaad arkeysaa kuwo ku oranaya
hana maqashiin saydika oo Soomaali isaga ayaa
baa’biyay. Wey dhici kartaa inuu sayidku leeyahay
dhaliilo baddan, waayo waa bashar oo qof dhan
dunidan dusheeda ma jiro oo macsuum maaha. Laakiin
ugu yaraan haka tegin cadaalada oo isbar bar dhiga
wanaagiisa iyo xumaantiisaba. Sida si lamid ah waxad
arkeysaa kuwo taariikhdi SYL, siday iyagu
doonaan u qoraya, oo hadba dhankay rabaan wax kaa
tusaya.
Waxa intaas oo dhan kasii daran rag baddan oo Qoraa
ah, oo wax ku qora luqada Soomaaliga, oo habeen iyo
maalin juhdi fara baddan geliya qoraalka, oo haddana
faafinaya been iyo isku dir ummadda. Waxyaalaha aad
la yaabeyso waxaa ka mid ah buugii aad aragtoba,
markaad dhowr sadar aqriso inaad durbadiiba
garaneyso qofka soo qoray reerka uu yahay iyo
hadafka uu uga gol leeyahay buuggan. Qofka
Soomaaliga ah wey adag tahay inuu adeegsado
miisaanka cadaaladda, illaa qof alle u naxariistay
mooyee, inuu runta ka sheego waxa uu ka hadlayo, mar
walba waxa uu ku saleeyaa waxa uu jecel yahay ama
waxa uu neceb yahay. Waa wax aan dhici karin inuu ku
xisaabtamo buuggan hagalo Mustaqbalka diiwaanada
qoraalada Soomaalida oo halaga faa’ideysto. Mar
walba ama qof buu ku dulminayaaa ama reer buu
kicinayaa ama wax buu isku dirayaa.
Haddaba sidee ayaa loo badbaadin karaa taariikhda
iyo qoraalada Soomaalida?. Run ahaantii waa wax aad
iyo aad looga naxo halka uu kusii socdo qoraalka
Soomaalida. Waxaad arkeysaa nin soo qoray buug aad
iyo u qurux baddan, oo ay dhici karto inuu qaatay
waqti fara baddan, oo qarash fara baddana geliyay,
oo habeeno fara baddan u soo jeeday, haddana qoraya
wax aad iyo aad looga naxo, oo qalbiga ka oohiya
indhahana ka ilmeysiiya. Qoraya aragti aad iyo aad u
liidata oo ummad lagu dulminayo ama dad masaakiin ah
lagu kicinayo. Waxaad arkeysaa buugaag fara baddan
ama qoraalo fara baddan oo reer ama qabiil dhan lagu
aflagaadyenayo ama been laga sheegayo Taariikhdii
ummadda ama mid shaqsiyadeed.
Soomaaliyeey bal ila eega dhibaatadan kusoo korodhay
qoraalada Soomaalida, ee la marin habaabinayo
taariikhdi soo jireenka aheyd ee ummaddi
Soomaaliyeed. Bal ila eeg sida iyo qaabka looga
xoroobi karo arintaas. Ma isleedahay waan u
baahanahay urur ama hay’ad ilaalilisa qoraalada
Soomaalida. Hay’addaasoo abaalmarisa buugii ama
qoraalkii wax kusoo kordhiya Bulshada, ama
cambaareysa hadba kuwii bulshada rabitaankooda kasoo
horjeeda. Hay’addaasoo diiwaan gelisa, keydisana
buugaagta wax ku oolka ah oo ay bulshadu ka
fa’ideysanayso, sidoo kalena uga digta bulshada
buugaagta akhlaaqiyaadka xun ama aan bulshada wax
aan shar aheyn kusoo kordhinayn.
Qoraalkeygan waxaan kusoo gabagabeynayaa runtii waa
xilligii ay aqoonyahanada Soomaaliyeed iyo wax
garadka Soomaaliyeedba ay gacmaha isqabsan lahaayeen,
oo ay ujeexi lahaayeen waddadi lagu badbaadin lahaa
taariikhda iyo Sooyaalka Soomaaliyeed. Waa xilligii
wax magaratada, damiirku xun leyska qaban lahaa oo
meel looga soo wada jeesan lahaa. Soomaaliyeey ninka
xun kula tol maaha oo kula Soomaali maaha, oo u diga
marka hore haddii uu xumaantiisa ka istaagi waayana
si wadajir ah isaga qabta. Ogow qof xun reer walbuu
ku jiraa, oo aragtida oraneysa reer hebel ayaa sidan
ah, iyo annaga ceeb kas saliim baanu nahay, waa wax
aan caqli gal aheyn. Ogow Allaah janno iyo Naar ayuu
sameystay, oo labo wada dhalatay ayaa midna naar
galayaa, midna janno. Marka caqli gal ma tahay reer
sidey u dhan yihiin jannada wada galaya ama reer
sidey u dhan yihiin naarta wada galaya. Soomaaliyeey
nin xun waa nin xun, ee meel uga soo wada jeesta.
Qalinkeygii halkaas ayaan ku joojinayaa wixii aan
saxay waa wax xag Alle ka sugnaaday, wixii aan ku
gafeyna waa nafteyda iyo sheydaan.
Wabilaahi Towfiiq
Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social Development Adviser.

By:-
Abdihakim Jama Joje
Social
Development Adviser
Leicester
UK
saicentadv@yahoo.com