Muhiimadda ay Taariikhdu leedahay iyo sida loo marin habaabiyay

By:

      Qorre-By:- Abdihakim Jama Joje Social Development Adviser
          saicentadv@yahoo.com  Leicester UK 24/12/2007
Ra'yi
 Decem 23/2007

Waxaa mahad idilkeed iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayey korkiisa ahaatay.

 

Taariikhdu sideedaba waa dhacdooyin la ururiyay, si looga faa’ideysto Mustaqbalka hadba wixi ay faa’iido iyo khasaaraba laheyd. Waxaa mar walba laga ilaaliyaa in laga been sheego ama qof walba uu sida uu jecel yahay uga qisoodo. Tusaale ahaan Quraankeena kariimka ah, waxaa looga sheekeeyay qisooyin aad iyo aad u tiro baddan, oo uu Allaah uga digayo dadka, waxa ay faleen dadkii hore iyo sidi looga Abaal mariyay. Waa dhacdooyin nalagu tusayey waddada wanaagsan iyo midda xun ba. Sidaa si la mid ah Siirada nabiga iyo tii saxaabadaba waxaa laga qaataa faa’iidooyin aad iyo aad u ballaaran oo illaa abid la isticmaali doono.

 

Dunidan aynu ku nool nahay gaar ahaan reer Yurub iyo Ameerika, waxey had iyo jeer kasoo sheekeeyaan hadba wixi ay dhibaato soo mareen ama hadba wixii ay dadkoodu kusoo kordhiyeen noloshooda, iyagoo mar walba isku dayaya inay xogta ka qaataan dad leysku haleyn karo lana og yahay inay runta ka sheegayaan, amaba waa la qori jiray. Had iyo jeer waxey ka diyaariyaan aflaan documentary ah ama buugaag faro baddan ayaa laga qoraa, iyagoo lagu keydiyo maktabadahooda waaweyn iyo Archiveyadoodaba.

 

Haddaba annaga Soomaali ah, halkee ayey ku luntay taariikhdeenii? Ma waxaanu oran karnaa taariikh ma laheyn mise lama qorin, mise waala marin habaabiyey?.

 

Waxaan shaki ku jirin inay Soomaalidu leedahay taariikh qoto dheer oo ku saleysan qaabkii aynu ula soo tacaalnay xadaaradihi uu dunidan soo maray iyo weliba sidi aynu isaga hornimi gumeystayaashi waddankeena kala qeybsaday iyo kuwii  soo gumeystay. Waxeynu leenahay halyeeyo taariikhda baal dahab ah ka galay, sidoo kale waxeynu leenahay kuwo taariikhda baal mugdi ah kaga jira, kuwaasoo lagu saleeyay siday ula soo shaqeysteen gumeystihi ama danbiyadii ay waddanka kasoo galeen.

 

Nasiib darro cudurka dilaaga ah ee Soomaali meel walboo ay dunidan ka joogto kala geeyay, oo mustaqbalkeedii baabi’iyay, ee asaageen naga reebay, kaasoo ah Qabiilka sida foosha xun loo isticmaalo, ayaa waxa uu dhaliyay in si caddaan ah taariikhda Soomaaliya loogu been abuurto, oo qof walba isagoo ku xumeynaya reer hebel siduu doonayo u qoray taariikhda Soomaaliya. Tusaale waxeynu u soo qaadan karnaa Halyeey/ Halgame Sayid Maxamed Cabdulle Xassan, oo dagaal xornimodoon ah oo muddo dheer socday kala hortagay Gumeystayaasha Ingiriiska, talyaaniga iyo Xabashida, oo maktabadaha dunida ee aad tagtoba taariikhdiisa lagu keydiyay, ayaa haddana Soomaalida waxaad arkeysaa kuwo ku oranaya hana maqashiin saydika oo Soomaali isaga ayaa baa’biyay. Wey dhici kartaa inuu sayidku leeyahay dhaliilo baddan, waayo waa bashar oo qof dhan dunidan dusheeda ma jiro oo macsuum maaha. Laakiin ugu yaraan haka tegin cadaalada oo isbar bar dhiga wanaagiisa iyo xumaantiisaba. Sida si lamid ah waxad arkeysaa kuwo taariikhdi SYL, siday iyagu doonaan u qoraya, oo hadba dhankay rabaan wax kaa tusaya.

 

Waxa intaas oo dhan kasii daran rag baddan oo Qoraa ah, oo wax ku qora luqada Soomaaliga, oo habeen iyo maalin juhdi fara baddan geliya qoraalka, oo haddana faafinaya been iyo isku dir ummadda. Waxyaalaha aad la yaabeyso waxaa ka mid ah buugii aad aragtoba, markaad dhowr sadar aqriso inaad durbadiiba garaneyso qofka soo qoray reerka uu yahay iyo hadafka uu uga gol leeyahay buuggan. Qofka Soomaaliga ah wey adag tahay inuu adeegsado miisaanka cadaaladda, illaa qof alle u naxariistay mooyee, inuu runta ka sheego waxa uu ka hadlayo, mar walba waxa uu ku saleeyaa waxa uu jecel yahay ama waxa uu neceb yahay. Waa wax aan dhici karin inuu ku xisaabtamo buuggan hagalo Mustaqbalka diiwaanada qoraalada Soomaalida oo halaga faa’ideysto. Mar walba ama qof buu ku dulminayaaa ama reer buu kicinayaa ama wax buu isku dirayaa.

 

Haddaba sidee ayaa loo badbaadin karaa taariikhda iyo qoraalada Soomaalida?. Run ahaantii waa wax aad iyo aad looga naxo halka uu kusii socdo qoraalka Soomaalida. Waxaad arkeysaa nin soo qoray buug aad iyo u qurux baddan, oo ay dhici karto inuu qaatay waqti fara baddan, oo qarash fara baddana geliyay, oo habeeno fara baddan u soo jeeday, haddana qoraya wax aad iyo aad looga naxo, oo qalbiga ka oohiya indhahana ka ilmeysiiya. Qoraya aragti aad iyo aad u liidata oo ummad lagu dulminayo ama dad masaakiin ah lagu kicinayo. Waxaad arkeysaa buugaag fara baddan ama qoraalo fara baddan oo reer ama qabiil dhan lagu aflagaadyenayo ama been laga sheegayo Taariikhdii ummadda ama mid shaqsiyadeed.

 

Soomaaliyeey bal ila eega dhibaatadan kusoo korodhay qoraalada Soomaalida, ee la marin habaabinayo taariikhdi soo jireenka aheyd ee ummaddi Soomaaliyeed. Bal ila eeg sida iyo qaabka looga xoroobi karo arintaas. Ma isleedahay waan u baahanahay urur ama hay’ad ilaalilisa qoraalada Soomaalida. Hay’addaasoo abaalmarisa buugii ama qoraalkii wax kusoo kordhiya Bulshada, ama cambaareysa hadba kuwii bulshada rabitaankooda kasoo horjeeda. Hay’addaasoo diiwaan gelisa, keydisana buugaagta wax ku oolka ah oo ay bulshadu ka fa’ideysanayso, sidoo kalena uga digta bulshada buugaagta akhlaaqiyaadka  xun ama aan bulshada wax aan shar aheyn kusoo kordhinayn.

 

Qoraalkeygan waxaan kusoo gabagabeynayaa runtii waa xilligii ay aqoonyahanada Soomaaliyeed iyo wax garadka Soomaaliyeedba ay gacmaha isqabsan lahaayeen, oo ay ujeexi lahaayeen waddadi lagu badbaadin lahaa taariikhda iyo Sooyaalka Soomaaliyeed. Waa xilligii wax magaratada, damiirku xun leyska qaban lahaa oo meel looga soo wada jeesan lahaa. Soomaaliyeey ninka xun kula tol maaha oo kula Soomaali maaha, oo u diga marka hore haddii uu xumaantiisa ka istaagi waayana si wadajir ah isaga qabta. Ogow qof xun reer walbuu ku jiraa, oo aragtida oraneysa reer hebel ayaa sidan ah, iyo annaga ceeb kas saliim baanu nahay, waa wax aan caqli gal aheyn. Ogow Allaah janno iyo Naar ayuu sameystay, oo labo wada dhalatay ayaa midna naar galayaa, midna janno. Marka caqli gal ma tahay reer sidey u dhan yihiin jannada wada galaya ama reer sidey u dhan yihiin naarta wada galaya. Soomaaliyeey nin xun waa nin xun, ee meel uga soo wada jeesta.

 

Qalinkeygii halkaas ayaan ku joojinayaa wixii aan saxay waa wax xag Alle ka sugnaaday, wixii aan ku gafeyna waa nafteyda iyo sheydaan.

 

Wabilaahi Towfiiq

Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser.

By:- Abdihakim Jama Joje

Social Development Adviser

Leicester

UK

saicentadv@yahoo.com

webmaster@calayaale.com

 

_________________________________________________________