Iftiinshe waa jariidad yar, oo loogu talagay
dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada
Leicester iyo agagaarkeedaba. Jariidadan yar oo
bishiiba mar soo bixi doonto waxey wax baddan kaga
hadli doonto Arimaha daruuriga ah ee Bulshada reer
Leicester.
Ujeedada jariidadan yar loo soo saaray waa sidi kor
loogu qaadi lahaa wacyi gelinta dadka Soomaaliyeed
ee dhibtu ka heysato adeegyada ka jira waddankan
Ingiriiska. Sidoo kale sidi luqada afsoomaaliga ah
loo hormarin lahaa. Waxey waalid baddan ka saacidi
doontaa sidey dhaqanka iyo sheekooyinki Soomaaliyeed
uga sheekeyn lahaayeen awlaadooda.
Jariidadu waxey ka hadli doontaa arimo baddan oo la
xiriira xaga caafimaadka, waxbarashada, Diinta,
Ciyaaraha, Sheekooyinka, Halxiraalayaal iyo
barnaamij xiiso leh oo ah Ila Qosol.
Haddaba jariidadaas oo marki ugu horeysay shalay
lagu qeybniyay magaalada Leicester, ayaa waxaanu
aqristayaasha sharafta leh ka codsaneynaa inay noo
soo jeediyaan wixi talooyin ah iyo dhaliilba leh, si
aynu u kordhino tayada qoraaladeena.
Kusoo hagaaji warbixintaada:-
Maamulka Somali Advice & Information Centre
100 Larch Street Leicester
LE5 0ER
Tel: - 0116 2516977/ Mob 079 03493209
E-Mail:-
jooje63@googlemail.com ama
saicentadv@yahoo.com
Mahadsanidiin Maamulka Saicent

By:-
Abdihakim Jama Joje
Social
Development Adviser
Leicester
UK
saicentadv@yahoo.com