Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah,
naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey
korkiisa ahaatay.
Waxaa waayadan danbe isa soo tarayey falal naxdin
leh oo ka dhacayey xarunta magaalada ganacsiga ee
Boosaaso. Falalkaasoo ay fulinayeen dad wax magarato
ah, oo iyagu eegaya oo qura maalintaas iyo nolol
maalmeedkooda. Dadkaasi waxa ay ka dhigteen yool
inay afduubaan dadka ku jooga magac hay’ad ama
joornaaliistayaal, cidey doonaanba ha ahaadeene.
Haddaba waxaa isweydiin leh, yaa ka danbeeya dadkaas
wax afduubaya, yeey ka Shiidaal qaataan, sideese
looga hortagi karaa.
Intaanan arimahaas ka jawaabin, waxaan wax yar ka
oran lahaa, nimcooyinku Allaah wey fara baddan
yihiin, waxaa ugu weyn nabadda iyo xasiloonida ka
jirta dhulka Puntland, taasoo keentay horumarka la
taaban karo ee uu Gobolku sameeyay. Runtii waa arin
u baahan in Allaah loogu shukriyo oo had iyo jeer la
xasuusto nimcooyinkaa uu Allaah ugu maneystay
dhulkaas. Waxaana ka digayaa in nimcooyinku leyska
kala daadiyo.
Dhibaatooyinkaas dhacaya waxa aan oran karaa waxa
ugu wacan arimo baddan oo isbiirsaday oo ay ugu weyn
yihiin: -
-
Maamul xumo
-
Shaqo la’aan
-
Musuq maasuq
-
Xoogagga dhalinyarada oon la jiheyneen.
-
Shaqaalaha iyo Askarta Puntland oon mushaaradooda aan la
siineyn.
Arimahaas iyo kuwo kaloo fara baddan ayaan anigu
ra’yi ahaan oran karaa wey ugu wacan yihiin
qalalaasaha ka taagan Puntland. Runtiii wey
fududahay sida looga bixi karo waa haddii daacad
laga yahay in la fuliyo, oo lakala qaadanayo wixii
talooyin ah.
Sida aynu ka warqabno magaalooyinka waaweyn ee
Puntland gaar ahaan, Boosaaso, Garoowe iyo
Gaalkacayo waxa aad iyo aad u kordhay tirada dadka
degan oo maalin walba waxa soo degaya dad aad iyo
aad u fara baddan oo ka kala yimaada dhammaan
Soomaaliya kuwaasoo ay soo jiiteen amniga iyo
nabadda ka jirta halkaas. Waxaad ku arkeysaa
magaalooyinkaas dhalinyaro iyo rag kale oo aad iyo
aad u fara baddan oon wax camal ah heyn, iyagoona
fursad u waayay inay ama shaqo ka helaan maamulka
ama uu waxbarasho u fidiyo. Dhalinyaradaas markey
waayaan wax ay qabtaan iyo cid jiheeysa waxa dhici
karta inay ku kacaan wax alla iyo wixii u fudud ay
markaas camal ka dhigan karaan.
Waxaa hubaal ah in Maamulku ay soo gasho dakhli aan
marnaba caadi aheyn, oo laga helo Canshuuraha bad
iyo berriba. Lacagtaa soo gasho lagama bixiyo
Mushaar rigli ah, laguma bixiyo adeegyada muhiimka
ah, askarta difaaci ku jirta iyagu warkoodaba iska
daa. Haddaba lacagna waan qaadayaa waxna ma bixinayo,
waxaad moodaa inaanay niyada shacabka u wanaagsanayn.
Maamulka waxaa wanaagsanaan laheyd intaanu cid kale
eedin bal inay iyagu mar isfiiriyaan, oo ay
garnaqsadaan. War dadkani miyaanay aheyn dadkii aad
xilkooda qaaday, miyaanay aheyn dadki wax kaa
sugayey. Ma dow baa wasiir ku yimid magaca shacabka
inuu isagu suu doono ugu takri falo maaliyaddii
shicibka.
Waxaa iyagana wax lala yaabo ah kuwa ku fekera ama
aaminsan in laga xigo Puntland oo had iyo jeer
oranaya maxaa iga galay wixi qarxaya, iyo ma awal
baan wax ku heystay. Ogow mar walba waa dalkaagi,
hadduu maamulku xun yahay waxaad tahay kii wax u
sheegi lahaa, oo soo bandhigi lahaa halka wax ka
khaldan yihiin. Dowlad iyo maamul haddaad maqasho
waa shacabka, oo hadduu shacabka wanaagsanaado wax
baddan baa qabsoomaya.
Maamulka Puntland waxaan kula talin lahaa inay
sameeyaan Barnaamijyo lagu jiheynayo dhalinyarada
faraha baddan ee magaalooyinka jooga, oo loo
abaabuli Barnaamijyo Isboortis ama kuwa waxbarasho
ama kuwo kaleba. Sida aad la socotaan dowladii
milateriga aheyd immisa mashruuc oo dadka lagu
hagayo ayaa la sameyn jiray sida kii Ciyaaraha
Gobolada, kii Ololaha gurmadka mashaariicda, kii
Ceeljaalayaasha oo sanad kasta la qaban jiray iyo
weliba barnaamijyadii kedis oo todobaadkiiba mar la
sameyn jiray. Haddii ay jiraan barnaamijyadaas
waxaan leeyahay hala ballaariyo oo hala hormariyo,
haddeysan jirina waa Barnaamijyo wax ku ool ah oo
runtii lagu mashquulin karo dhalinyarada. Xitaa
waqti uma ayan heli laheyn balwadaha qaadka iyo
wixii la mid ahba. Barnaamijyadaas haddii loo
maamulo qaab diinteena waafaqsan runti waxey noo
ahaan laheyd guul, oo dhalinyaradu waqti uma hesheen
inay howlo kale galaan. Barnaamijyadaas ayaan qabaa
in loo sameeyo hay’ado gaara, oo lagu maalgeliyo ama
loo tababaro dadkii maamuli lahaa.
Waxaan kaloo ku talin lahaa in wax walba laga
hormariyo mushaarka la siinayo ciidamada booliiska,
haddaan arintaas laga fekerin ogaada waxa faraha ka
baxay sharciyadii iyo kala danbeyntii. Maalin walba
waxaad maqleysaa waxaa la badalay taliyihii
booliiska. Taas ma shaqeyneyso haddaan meel la
saarin lacagta mushaarka. Askariga waa kii la rabay
inuu habeen iyo maalin usoo jeedo difaaci dalka,
haddii isagii la qadiyey yaad fileysaa inuu ku
ilaaliyo ama wax difaaci. Arinta oraneysa looma hayo
Mushaar, waa wax aanan rumeysan karin, oon caqli gal
aheyn. Wasiiradii in loo helo dhowr kun oo dollar,
askarigiina loo waayo boqol ama konton doolar, wax
la qaadan karo maaha.
Waxaan caam ahaan dadka ama shicibka reer puntland
kula talin lahaa inay xafidan nimcooyinku uu Allaah
ugu maneystay, oo ayan eegin shaqsigaa daciifka ah
ee isagu uu hunguriga qaaday. Dowlad xun dowlad
la’aan bay dhaantaa. Maamulkan xun berito isaga ayaa
iska tagaya, oo mar walba waxa qaalib noqonaya waa
dhulkii iyo dadkii. Haka fekerin maanta ee eeg waxa
soo socda.
Waxaan kaloo maamulka kula talin lahaa inay bulshada
ka qabtaan dhammaan dadkan ku caan baxaya musuqa iyo
wax isdaba marinta oo haddana ka dhex muuqda
bulshada. Ogow Soomaalidu waxey tiraahdaa kalluun
qura ayaa badda oo idil qurmiya, ee hal wasiir oo
xun ayaa maamulkaaga oo idil sumcadiisii iyo
sharaftiisiiba meel uga dhacaya. Ogow wax walboo
wanaagsan oo uu maamulkaaga qabto waxaa loo
tiirinayaa Madaxweyne adiga, wax alla iyo wixii
khalad ah oo la sameeyana sidoo kale adiga ayaa
laguu tiirinayaa.
Waxaan Hadalkeyga kusoo afjarayaa gacmo wadajir bay
wax ku qabtaan, haddii la helo maamul iyo dadkiisii
oo isku daacad ah oo isla shaqeynayaa, wax baddan
baa hirgeli lahaa oo lama heleen qof xun oo ku dhex
dhuunta. Waxaan qabaa in meel looga soo wada jeesto
kuwo qas wadeenada ah, oo had iyo jeer raba inay
qalalaaso ka abuuraan Puntland. Nabadda iyo
nabadgelyada puntland sidii loo meel marin lahaa
halaga fekero, oo yeeynaan iska kala daadin
nimcooyinku uu Allaah ina siiyay.
Wabillaahi Towfiiq
Cabdixakiim Jaamac Jooje