Halkee ayey ku danbeysay Xisbiyadii Siyaasadeed ee Puntland laga dhisi lahaa?

By:

      Qorre-By:- Abdihakim Jama Joje Social Development Adviser
          saicentadv@yahoo.com  Leicester UK 30/12/2007
Ra'yi
 Decem 30/2007

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay.

Waxaa waayadan danbe isa soo tarayey falal naxdin leh oo ka dhacayey xarunta magaalada ganacsiga ee Boosaaso. Falalkaasoo ay fulinayeen dad wax magarato ah, oo iyagu eegaya oo qura maalintaas iyo nolol maalmeedkooda. Dadkaasi waxa ay ka dhigteen yool inay afduubaan dadka ku jooga magac hay’ad ama joornaaliistayaal, cidey doonaanba ha ahaadeene. Haddaba waxaa isweydiin leh, yaa ka danbeeya dadkaas wax afduubaya, yeey ka Shiidaal qaataan, sideese looga hortagi karaa.

Intaanan arimahaas ka jawaabin, waxaan wax yar ka oran lahaa, nimcooyinku Allaah wey fara baddan yihiin, waxaa ugu weyn nabadda iyo xasiloonida ka jirta dhulka Puntland, taasoo keentay horumarka la taaban karo ee uu Gobolku sameeyay. Runtii waa arin u baahan in Allaah loogu shukriyo oo had iyo jeer la xasuusto nimcooyinkaa uu Allaah ugu maneystay dhulkaas. Waxaana ka digayaa in nimcooyinku leyska kala daadiyo.

 

Dhibaatooyinkaas dhacaya waxa aan oran karaa waxa ugu wacan arimo baddan oo isbiirsaday oo ay ugu weyn yihiin: -

 

-         Maamul xumo

-         Shaqo la’aan

-         Musuq maasuq

-         Xoogagga dhalinyarada oon la jiheyneen.

-         Shaqaalaha iyo Askarta Puntland oon mushaaradooda aan la siineyn.

Arimahaas iyo kuwo kaloo fara baddan ayaan anigu ra’yi ahaan oran karaa wey ugu wacan yihiin qalalaasaha ka taagan Puntland. Runtiii wey fududahay sida looga bixi karo waa haddii daacad laga yahay in la fuliyo, oo lakala qaadanayo wixii talooyin ah.

Sida aynu ka warqabno magaalooyinka waaweyn ee Puntland gaar ahaan, Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacayo waxa aad iyo aad u kordhay tirada dadka degan oo maalin walba waxa soo degaya dad aad iyo aad u fara baddan oo ka kala yimaada dhammaan Soomaaliya kuwaasoo ay soo jiiteen amniga iyo nabadda ka jirta halkaas. Waxaad ku arkeysaa magaalooyinkaas dhalinyaro iyo rag kale oo aad iyo aad u fara baddan oon wax camal ah heyn, iyagoona fursad u waayay inay ama shaqo ka helaan maamulka ama uu waxbarasho u fidiyo. Dhalinyaradaas markey waayaan wax ay qabtaan iyo cid jiheeysa waxa dhici karta inay ku kacaan wax alla iyo wixii u fudud ay markaas camal ka dhigan karaan.

Waxaa hubaal ah in Maamulku ay soo gasho dakhli aan marnaba caadi aheyn, oo laga helo Canshuuraha bad iyo berriba. Lacagtaa soo gasho lagama bixiyo Mushaar rigli ah, laguma bixiyo adeegyada muhiimka ah, askarta difaaci ku jirta iyagu warkoodaba iska daa. Haddaba lacagna waan qaadayaa waxna ma bixinayo, waxaad moodaa inaanay niyada shacabka u wanaagsanayn. Maamulka waxaa wanaagsanaan laheyd intaanu cid kale eedin bal inay iyagu mar isfiiriyaan, oo ay garnaqsadaan. War dadkani miyaanay aheyn dadkii aad xilkooda qaaday, miyaanay aheyn dadki  wax kaa sugayey. Ma dow baa wasiir ku yimid magaca shacabka inuu isagu suu doono ugu takri falo maaliyaddii shicibka.

Waxaa iyagana wax lala yaabo ah kuwa ku fekera ama aaminsan in laga xigo Puntland oo had iyo jeer oranaya maxaa iga galay wixi qarxaya, iyo ma awal baan wax ku heystay. Ogow mar walba waa dalkaagi, hadduu maamulku xun yahay waxaad tahay kii wax u sheegi lahaa, oo soo bandhigi lahaa halka wax ka khaldan yihiin. Dowlad iyo maamul haddaad maqasho waa shacabka, oo hadduu shacabka wanaagsanaado wax baddan baa qabsoomaya.

Maamulka Puntland waxaan kula talin lahaa inay sameeyaan Barnaamijyo lagu jiheynayo dhalinyarada faraha baddan ee magaalooyinka jooga, oo loo abaabuli Barnaamijyo Isboortis ama kuwa waxbarasho ama kuwo kaleba. Sida aad la socotaan dowladii milateriga aheyd immisa mashruuc oo dadka lagu hagayo ayaa la sameyn jiray sida kii Ciyaaraha Gobolada, kii Ololaha gurmadka mashaariicda, kii Ceeljaalayaasha oo sanad kasta la qaban jiray iyo

weliba barnaamijyadii kedis oo todobaadkiiba mar la sameyn jiray. Haddii ay jiraan barnaamijyadaas waxaan leeyahay hala ballaariyo oo hala hormariyo, haddeysan jirina waa Barnaamijyo wax ku ool ah oo runtii lagu mashquulin karo dhalinyarada. Xitaa waqti uma ayan heli laheyn balwadaha qaadka iyo wixii la mid ahba. Barnaamijyadaas haddii loo maamulo qaab diinteena waafaqsan runti waxey noo ahaan laheyd guul, oo dhalinyaradu waqti uma hesheen inay howlo kale galaan. Barnaamijyadaas ayaan qabaa in loo sameeyo hay’ado gaara, oo lagu maalgeliyo ama loo tababaro dadkii maamuli lahaa.

Waxaan kaloo ku talin lahaa in wax walba laga hormariyo mushaarka la siinayo ciidamada  booliiska, haddaan arintaas laga fekerin ogaada waxa faraha ka baxay sharciyadii iyo kala danbeyntii. Maalin walba waxaad maqleysaa waxaa la badalay taliyihii booliiska. Taas ma shaqeyneyso haddaan meel la saarin lacagta mushaarka. Askariga waa kii la rabay inuu habeen iyo maalin usoo jeedo difaaci dalka, haddii isagii la qadiyey yaad fileysaa inuu ku ilaaliyo ama wax difaaci. Arinta oraneysa looma hayo Mushaar, waa wax aanan rumeysan karin, oon caqli gal aheyn. Wasiiradii in loo helo dhowr kun oo dollar, askarigiina loo waayo boqol ama konton doolar, wax la qaadan karo maaha.

Waxaan caam ahaan dadka ama shicibka reer puntland kula talin lahaa inay xafidan nimcooyinku uu Allaah ugu maneystay, oo ayan eegin shaqsigaa daciifka ah ee isagu uu hunguriga qaaday. Dowlad xun dowlad la’aan bay dhaantaa. Maamulkan xun berito isaga ayaa iska tagaya, oo mar walba waxa qaalib noqonaya waa dhulkii iyo dadkii. Haka fekerin maanta ee eeg waxa soo socda.

Waxaan kaloo maamulka kula talin lahaa inay bulshada ka qabtaan dhammaan dadkan ku caan baxaya musuqa iyo wax isdaba marinta oo haddana ka dhex muuqda bulshada. Ogow Soomaalidu waxey tiraahdaa kalluun qura ayaa badda oo idil qurmiya, ee hal wasiir oo xun ayaa maamulkaaga oo idil sumcadiisii iyo sharaftiisiiba meel uga dhacaya. Ogow wax walboo wanaagsan oo uu maamulkaaga qabto waxaa loo tiirinayaa Madaxweyne adiga, wax alla iyo wixii khalad ah oo la sameeyana sidoo kale adiga ayaa laguu tiirinayaa.

Waxaan Hadalkeyga kusoo afjarayaa gacmo wadajir bay wax ku qabtaan, haddii la helo maamul iyo dadkiisii oo isku daacad ah oo isla shaqeynayaa, wax baddan baa hirgeli lahaa oo lama heleen qof xun oo ku dhex dhuunta. Waxaan qabaa in meel looga soo wada jeesto kuwo qas wadeenada ah, oo had iyo jeer raba inay qalalaaso ka abuuraan Puntland. Nabadda iyo nabadgelyada puntland sidii loo meel marin lahaa halaga fekero, oo yeeynaan iska kala daadin nimcooyinku uu Allaah ina siiyay.

Wabillaahi Towfiiq

Cabdixakiim Jaamac Jooje

webmaster@calayaale.com

 

_________________________________________________________