Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah,
naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeeni ayey korkiisa
ahaatay.
Waxaan dhawaan ku aragnay dhammaan warbaahinta
Soomaalida isbadalka lagu sameeyay maamul Goboleedka
Puntland gaar ahaan golihiisa wasiirada. Runti
annigoo dhanka wanaagsan ka eegaya waxaan oran karaa,
wey dhici kartaa in wax baddan ay isbadalaan oo uu
golahan Cusub shaqeeyo. Runtiina marna lagama quusto
naxariista Alle. Waxaana leeyahay hambalyo
tallaabada uu qaaday Madaxweyne Cadde Muuse.
Laakiin waxa isweydiin mudan Wasaaradda Maaliyaddu
miyaanay ka mid aheyn wasaaradaha hoos taga maamulka,
waayo dhibta ugu weyn iyo dibudhaca ugu weyn ee
Puntland laga sheeganayo waa meeshii ay kasoo
burqanayeen, haddey noqoto lacagaha la lunsanayo,
haddey noqoto lacaga been abuurka ah iyo weliba
haddey noqotop Mushaar la’aanta shaqaalaha.
Madaxweyne cadde miyaanay u muuqan dhibaatada laga
sheeganayo wasaaraddaa mise waxa aan isweydiinay
miyaanay maamulkiisu hoos tegin. Waa wax lala yaabo
wasiirki inta baddan ay isagu kusoo noqonaysay
eedahoo idil in uu weli halkiisi ku magacaaban
yahay.
Runtii arintan waa arin ay isweydiinayaan dhammaan
dadka ehelka u ah qaabka ay dowladi u shaqeyso iyo
inta jecel horumarka Puntland. Haddaba maamulka
Madaxweyne Cadde Muuse waxaanu ka sugeynaa bal inay
naga qanciyaan arintan mise waxaa jira arimo kale oo
u baahan in duuduub layasaga liqo.
Mar kale waxaan leeyahay hambalyo isbadalka cusub ee
lagu sameeyay golaha wasiirada Puntland, Allaah
waxaan ka baryeynaa inuu ka dhigo kuwo garowsada
ujeedada loo magacaabay kuna socda waddada xaqa ah
iyo horumarkaba.
Waxaan kaloo fursaddan uga faa’ideysanayaa inaan
cudurdaar yar ka bixiyo, in aan qoraaladeyda loo
qaadan in aan wax ku duminayo ee waa in wax lagu
dhiso , oo mar walba waxaan jeclahay wanaaga iyo
horumarka Puntland iyo Soomaaliya oo dhan.
Qoraalkeygi waa iga intaa haddii aan xaqa asiibay
waxey ka sugnaatay Allaah, haddii aan ku khaldamayna
waa nafteyda iyo sheydaan.
Wabilaahi Towfiiq
Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social development Adviser &
Tenancy services Office

By:-
Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social development Adviser &
Tenancy services Office
saicentadv@yahoo.com