Dusiga Hoose Dhexe Ee Shariif Qulatayn oo manta la gudoonsiiyay Kutub Waxbarasho.

Calayaale News
 04Mar/08

Dusiga Hoose Dhexe Ee Shariif Qulatayn ee degmada  Shangaani waa Dugsigii ugu horeeyay ee 17-sanno kadib ay ardayda degmadaas u qaataan Buugaagta iyo qalimaanta kadib markii degmada Shangaani oo ka mid ah degmooyinka sida Ba’an daarihii ku yiilay ay noqdeen kuwo dhulka la sinma, qaarna loo geystay billiqo  baahsan oo saameyn ku yeelatay jiritaankii degmadaas.

Muddo laga joogo 5-bilood ayaa waxaa is xilqaamay Xildhibaan Caamir Jakeeti oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed kun abtirsada degmadaasi oo uu horkacayo odayaasha degmada, Waxgaradka, Culumaaudiinka ayaa u istaagay inay mar kale caruurta ku dhaqan degmadaas ay u helaan fursad waxbarasho si ay caruurta degmada Shangaani ugala dagaalamaan waxbarsho la’aanta iyo jaahilnimada, iyadoo la kaashanayo jaaliyadaha Soomaaliyeed eek u abtirsada Beelaha reer Xamar ee ka soo jeeda Shangaani iyo Xamar weyne, kuwaas oo ku kala sugan Dalka Ingiriiska, Kanada, Suurikh, Swaziland iyo  Imaaraadka.

Dusiga Hoose Dhexe Ee Shariif Qulatayn ee degmada  Shangaani ayaa waxaa si gaar ah gacan uga geystay Shariif Axmed Shariif Maxamed Nuur oo qeyb libaax leh ka qaatay Iskuulkaas, waxaana Iskuulkaas haatan wax ku barta in ka badan 300-arday ah, iyadoo malinba maalinta ka dambeysana ay sii kordhayaan ardaydaas, kadib markii arday badan oo Soomaaliyeed oo ku dhaqnaa qaar ka mid ah degmoouinka Gobolka Banaadir goobahii waxbarashada la xiray nabadgelyo xumi darteed. 

Waxaa Dusiga Hoose Dhexe Ee Shariif Qulatayn ee degmada  Shangaani maamule ka ah Dr. Cusmaan Cabdi Cusmaan, waxaana xiriiriye ka ah Dr. Shariif Cali Qulateyn, waxaana macalimiin ka ah oo wax ka dhiga 10-Macalin, waxaana ka shaqeeya 4-shaqaale ah.

Xaflad balaaran oo lagu gudoosiinaayay maamulka Iskuulkaas Kutubta waxbarashada oo gaareysa 1500-xabbo oo ay ugu deeqday Hey’adda UNECO ayaa manta ka dhacday xarunta Dugsigaas, waxayna kutubtaan isugu jireen Maadada Sayniska, Waxbarashada Caafimaadka iyo tarbiyada Islaamka, kuwaas oo loogu tallo galay in loogu faaiideeyo ardayda wax ka barata Dugsigaas.

Dhinaca kale Xildhibaan Caamir jakeeto oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Magaalada Muqdisho ayaa ah kii ugu horeeyay ee isku howla sidii ay waxbarasho u heli lahaayeen ardayda ka soo jeeda degmada uu ka soo jeedo.


 

Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

 aduunyo5@yahoo.com

Maxamuud XAsan Cumar

Muqdisho somaliya

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

Webmaster@calayaale.com