Jaaliyadda Beesha Mataan cabdulle ee ku dhaqan dalka Dibadiisa oo Cusbitaal Weyn ka hirgelisay Degmada Balacad

Calayaale News
  18Mar/08

Degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa waxaa laga furay Cusbitaal weyn oo casri ah, kaas oo ay hirgeliyeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaankaas.
 
Cusbitaalkaan cusub ayaa waxaa furitaankiisa ka qeybgalay Mas’uuliyiin fara badan oo ka mid ah Gobolka sh/dhexe,iyadoo Mas’uuliyiintaas uu ka mid yahay Gudoomiye ku xigeenka        GobolkaSh/dhexe ee Dhinaca ammaanka Axmed Cumar Jaandhaay, oo isagu sheegay inuu soo dhaweynayo fuitaanka Cusbitaalkaan cusub, wuxuuna uu mahad celiyay jaaliyadii celiyay jaaliyadii dhistay Cusbitaalkaas.
 
“Waan soo dhawynaynaa dhismaha Cusbitaalkaan Cusub, waxaana ugu baaqeynaa dhamaan Jaaliyadaha soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaDibadiisa inay ka qeyb qaataan dhismaha dalkooda” ayuu yiri Gudomiye ku xigeenka Gobolka Sh/dhexe oo sheegay in loo baahan yahay talabadaas lagu daydo.
 
Sidoo kale furitaanka furitaanka cusbitaalkaas oo uu xariga ka jaray Gudoomiyaha Degmada Balcad Maxamuud Xuseen Gudbaaye oo ka hadlay munaasabadaas ayaa sheegay inuu cusbitaalkaan yahay mid lacag la’aan ah, wuxuuna xusay inay cusbitaalkaan dhiseen Jaaliyada Beesha Mataan Cabdulle ee ku dhaqan dalka dibadiisa.
 
“Waxaa iska  kaashaday dhismaha Cusbitaalkan Jaaliyada Soomaaliyeed ee dibada ku dhaqan iyo maamulka degmada balcad”  ayuu yiri guddomiyaha Degmada Balcad oo sheegay inay  dhinaca Nabadgelyada ay gacan weyn ka geysteen, iasgoo ugu baaqay wasaaradda Caafimaadka iyo Hey’adaha Samafalka inay gacan ka geystaan dhinaca dawooyinka ee uu u  baahan yahay Cusbitaalka.
 
Cusbitaalkaan ayaa ka mid ah Cusbitaalada  ka jira Gobolka Sh/dhexe, waxaana meesha ka baxeysa baahida Caafimaad ee dadka ku dhaqan Degmada Balcad inay helaan Goob caafimaad oo lagu daweeyo dadka xanuunsanaya.
 
Dhinaca Cusbitaalkaan ayaa noqonaya mid si samafal ah oo dadka la tiicaya cudurada kala duwan lagu daweynayo, wuxuuna cusbitaalkaan yahay mid wax u taraya dadka aan awoodin inay bixiyaan wax lacag ah.
 

Maxamuud XAsan Cumar

Muqdisho somaliya

002521/5506210

Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

 

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir  

Webmaster@calayaale.com